Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Dayax Dhacay Nuur Lagama Suge .. Shirki Afisyooni Oo Si Rasmi Ah U Burburay

Sunday - April 11, 2021



Maalmahaan waxaa la rajeynaayey in miiska wada hadalka ee Afisyooni ku dhex yaal ay isugu soo laabtaan madaxda Somaliya iyado dhanka beesha caalamka ay iyana dadaal la isugu soo laabanaayo ay wadeen tan iyo saaka, waxaana maanta la filaayey in la isu soo laabto ama loo balamo kolka la is arki-doono, laakiin taas ma dhicin .. Warar rasmi ah oo la helay waxay cadeynayaan in rajadaas ama daaqadaas hadda si rasmi ah ayey u xirantay.

Labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland waxay maalmahaanba diyaar u ahaayeen in ay miiska wada-hadalka ku soo laabtaan ayna la kulmaan madaxweyne Farmajo iyo madaxweyna-yaasha sadexda maamul goboleed ee ilma Gareen. laakiin haba yaraate waxaa hadal laga waayey madaxweyne Farmajo oo shibtiisa galay, waxayna kooxdaas ku adkeysteen in shirku burburay.

Sida xogta lagu helay Madaxweyne Deni Iyo Axmed Madoobe, waxay maanta oo Axada ay ku war-galiyeen beesha caalamka in madaxweyne Farmajo u si ulakac ah u diidan yahay in la wada hadlo, isla markaana u diidanyahay in sadexda maamul ee isaga ku xiran u ku cadaadiyo iney shirka ka qayb qaataan.

Dhinaca kale war baa sheegaya in musharaxiinta iyana dhankooda wada hadalo u socda oo Axada maanta ayaa la filaya iney saxaafada la hadlaan ama soo saaraan qoraal ay uga hadlayaan xaalada u dalku wajahayo .. Waxaa la xaqiijinaya in musharaxiinta ay dhan-kooda kaga dhawaaqi-doonaan Madaxweyne dalka maamula waa haddi Farmaajo la yimaado ku darsasho.