Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 15 May 2021

Dawlad-nimadu Ma Aha In Loo Dhaco Sidi Geela Loo Dhici Jiray .. Madaxweyne Nasiib Xumidaada Waa Inaad Ogolaato Inaad Guul-dareysatay Ee Is Casil " Time To Resign"

Tuesday - April 27, 2021



Ceeb ma aha in Maxamed Farmajo waqtigaan ogolaado inu hawshi loo igmaday ku guul-dareystay, oo waxaa la jooga waqti u is casili-lahaa waxaana taas markhaati ka dhigaya maanta oo mogdisho la isku qalanaayo, ugu dambeyna waxay ku socota in la wada jabo .. Sheekada socota aad ayey u qaayo weyntahay oo waxa socda waa wax laga naxo .. Farmajo wuxuu door bidaya inu Guushi dawladnimada u dhaco sidi Geela loo dhici jiray. 

Afar sano ka hor bishi 8 Febraayo 2017 ayaa la doortay madaxweyne Maxamed Farmajo oo bilow iyo dhamaad ila maanta xaalkiisi isagoo ujeedo ka leh wuxuu noqday kala qaybi oo xukun, iska hor keen oo isku dir iyo isago sameystay Rag badan u ku guuro loo adeegsado kalaa qaybinta beelaha Somaliyeed, isla markaana lacag dhan malaayiin doolar ku laaluushay warbaahinta qaarkeed si loogu xil qariyo iyo sidi dadka loo gashan lahaa afkaaro liita , hadana hay'adihi xasaasiga ahaa wuxuu u magacaabay kuwa Sac-sac ah oo shaqdi qaranka gabay. 

Qodobadii ugu waaweyn ee Madaxweyne Farmaajo ku ololeynayay, markii uu ahaa musharaxa waxaa kamid ahaa inu soo afjari-doono dagaalka Al-shabaab iyo gaar ahaan la sugo amniga guud ee dalka, balse taas baddel-keeda Al-shabaab ayaa dalka ka geystay weeraradii ugu waaweynaa iyo go’doomin deegaano dowladdu maamusho, iyadoo qaraxi Soobe 14 oktobar 2017 waxaa ku dhintay dad ka badan 500 00 Rayid ah .. Maxamed Farmajo waqtigiisi oo dhan wuxuu galiyey sababo u ku helo ku darsasho xil hayn iyo haddi taa la waayo u si toosa u boobo doorashada. 

Faragalint Farmajo ee dooroshooyinka dowlad goboleedyada waxay salka ku haysay in shakhsiyaad dowlada fedaraalka wadato lagu soo saaro, waa tan keentay kala qeyb-sanaanta iyo kala shakiga dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe .. Madaxweyne Farmajo wuxuu hadba dhinac soo dhigtaba wuxuu uga dambeyn ku guuleystay in sadex maamul goboleed si xoog sheegasho ah u magacaabo rag isaga u soo xushay, walow markaan mawqifkoodi xaga Farmaajo wax iska badaleen .. Farmajo waxay ahayed inu afarta sano ee uu xilka hayey dalka gaarsiiyo doorasho Qof iyo Cod ah, taa iska daaye wuxuu gaarsiin-waayey doorosho dadban oo ahayed tii lagu doortay ..  Madaxweyne Farmaajo oo xiligii uu musharaxa ahaa sheegay in uu noqon doono ‘nabadoon’ ayaa ku guuleysan in ay wada shaqeyn fiican yeeshaan madaxda dowlad goboleedyada gaar ahaan Puntland Iyo Jubaland.

Tilmaanta kolka aan intaa kaga-imaado, cabsi weyn ayaa muuqata oo maanta gadood iyo hub aruursi ayaa moqdisho ka socota, degmooyinka intooda badan waxaa si toosa uga talinaaya ciidamadi mucaaradka oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan, waxayna u muuqata in maalmaha soo socda ay la wareegaan inta harsan ee dagmooyinka, laakiin waxaaba taas ka soo hormaray oo jac dhigay Raiisal-Wasaare Rooble oo maanta ka horyimi mudo kororsiga Farmaajo, sido kale waxaa iyagana maanta isla kordhintaa ganafka ku dhuftay sadexdi gobol oo u ku tiirsanaa .. Mogdisho waxay maanta i xasuusineysa qaabki uu u dhacay kacdoonki 1991, oo shabaha Qajac-jacda iyo gadoodka iyo caga jugleynta maanta socda .. Waxaa maanta muuqata iney dhamaatay Sharci darada iyo hagar-daamooyinka loo maleegaayo umadaan oo ujeedku yahay in guud ahaan shacabka la duudsiiyo rabitaankooda doorasho u dhacda si dimoqaraadiyad ah  .. Madaxweyne Farmaajow waa la ogaaday in aanad ahayen qof miyir qaba oo aad tahay dulmiye aan is ogeyn ..  Waa hubaal in taariikhda laga curin-doono sheekooyin badan ee Maxmed Farmaajow wax ku Soconaya ma jiraane Ee is casil


hits Hits : 1136