Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Ku Taxnow Taxanaha Akhbaarti Zamanki Hore .. Wadaad Caabud Ahaa Oo Habaarki Hooyadiis Haleelay

Monday - May 3, 2021



Waxaa Nabigueena Maxamed (scw) laga wariyey : Xerti Nabi Ciise waxaa ka mid ahaa nin la yiraahdo Jurayj oo isago  tukanaya, markaas waxaa u timid hooyadi oo tiri wilkeygow hoydaa baan ahay ee ila hadal, markaas ayuu is yiri: ma ajiibaa mise salaadeyda ayaan si wata? wuxuuse doortay inu salaadiisa si wato. markaas ayay tiri: Ilaahoow ha dilin ilaa aad tustid wajiyada muumisaadka (dumarka sida bareerka ah u sinaysta.

Jurayj oo jooga mawlaciisa u ku cibaadeysto, waxaa u timi Naag saaniyad ah, dabadeed wey la hadashay oo isu bandhigtay, isna waa ka diiday, markaas ayay isu dhiibtay Nin Qawsaar ah, waxayna dhashay Wiil, haddi la weydiyana Wiilka Aabihiis waxay tiri: waxaa dhalay Wadaadka Jurayj.

Koox careysan ayaa u yimaadeen Wadaadki Jurayi, waxayna ka dumiyeen Mawlaciisi, wayna soo dajiyeen, waana caayeen, markaas ayuu weesaystay oo tukaday, ka dibna wuxuu u yimid wiilkii dhalaanka ahaa, wuxuuna ku yiri: waa kuma aabbahaa wiiloow?, markaas ayuu yiri: waa qawsaarka .. Ragi u careysnaa oo Mawlaciisa ka dumiyey intey ku soo jeesteen wadaadki ayey dhunkadeen oo yiraahdeen: hadey saa tahay oo lagu gafay, Mawlacaaga waxaan ka dhisaynaa Dahab, wadaadki ayaa ku jawaabay: Maya waxaan dhoobo ahayn laguma dhisaayo .. Nabi Maxamed SCW wuxuu yiri: hadday hooyadi ku habaari lahayd in lagu fitneeyo waa lagu fitnayn lahaa.

Faa’iidooyinka xadiiska:
1- Waajib-nimada in waalidka baarri loo noqdo, loona dhaga-nuglaado iyo in Ilaahay aqbalo ducada iyo habaarka waalidku ilmihiisa ku rido, sida ku cad xadiiska: (hadday ku habaari lahayd in lagu fitneeyo (naagta xun) waa lagu fitnayn lahaa). Waxaa kale oo ku cad xadiiska khatarta ay leedahay in lagu madax adaygo waalidka iyo masiibada ka imaan karta, sida ku dhacday ninkaan saalixa ah.

2- In ay waajib tahay in qofku salaadda sunnaha ah joojiyo haddii waalidiintiis ugu yeeraan wax aan macsiyo Alle ahayn. Xadiisku wuxuu muujinayaa in Jurayj uu ku dambaabay ajiibis la’aantii hooyadi.

4. In dadka wax lagu fahamsiiyo jilista cidda laga warbixinayo, sida Nabigu (scw) u jilay Jurayj hooyadi jeedaaladeedii, waana waxa loo yaqaan (hababka iyo tabaha waxbarista).

5. Acmaasha saalixa ah way kala muhiimsan tahay oo haddii aan la isku qaban Karin waxaa la fuliyaa kan waajibka ah, sunnhahana waa laga tagaa. Haddii ay yihiin labo waajib ama labo sunne oo aan la isku qaban karinna waxaa lagu dhaqaaqaa kan muhiimsan. Waxaa taa la mid ah haddii labo dhibaato (mafsada) kulmaan oo aan laga wada tagi Karin waxaa lagu dhacaa tan fudud, tusaale ahaan: haddii ay khasab noqoto in aad gaariga jiirsiisid Dad ama Xoolo waxaa waajib ah in aad xoolaha jiirtid, waase la magayaa xoolahaas.

6- Ilaahay wuxuu ku badbaadiyaa addoonka wanaagiisa iyo Alle ka cabsigiisa, sida uu Jurayj uga samatabixiyay fitnadii naagtu la rabtay, ugana bariyeelay been abuurkii lagu ganay. Waxaa taa la mid ah qisadii Nabi Yuusuf oo haweenaydu xumaanta ugu yeeratay, Allena ka leexiyay makrigeeda, markii ay masabidatayna uu ka bariyeelay been abuurkeedii.

7- Alle wuxuu karaa in uu ka hadliyo cid aan hadal lagu ogayn, sidii uu doonana u difaaco addoomadiisa saalixiinta ah, sida uu uga hadliyay cunugaan yar, Jurayjna ugu bariyeelay hadalkiisa.