Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Amuuraha Islaamka .. Waa Kuma Ninka U Muslimay Jaceylka Caa'isha Siliva Romano

Tuesday - May 11, 2021



Sida uu qoray wargeyska La Stampa ee ka soo baxa dalka Taliyaaniga, Gabadhan ayaa ninka ay guursatay oo lagu magacaabo Paolo P. waxa uu horaan haystay diinta Masiixiga balse dhowaan ayuu ka qaatay diinta Islaamka, waxayna isku guursadeen si waafaqsan diinta Islaamka. Inkastoo arrinta guurka ay hadda soo baxday, haddana waxay is arooseen bishii October ee sannadkii hore.

Lamaanahan ayaa la sheegay inay lahaayeen xiriir qaatay waqti kooban, ka hor inta aysan is-guursanin, balse waxay is garanayeen tan iyo yaraan-toodii. Wuxuuna diinta Islaamka qaatay ka hor inta aysan is guursanin .. Paolo, ayaa qaatay diinta islaamka si uu u raaco caqiiqada xaaskiisa, sida uu qoray wargeyska la yiraahdo Italy24.

Arooska kaddib waxay go'aansadeen inay u guuran magaalo yar oo u dhaxaysa Milan iyo Bologna. Bulshada ku nool magaaladaas ayaa lagu qiyaasay Shan kun oo qof, sida jornaalka La Stampa daabacay.

Caa'isha Romano waxay noqotay macallimad barta luqadda Englishka. Waxay dhigtaa iskuul ay wax ku bartaan dadka waaweyn, waxayna sheegtay inay hawshaas ku faraxsantahay.

Sida ay horay u qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Taliyaaniga, Caa'isha Romano ma dooneyso in ay gudbiso dacwad ku saabsan aflagaada diinta islaamka ay qaadatay iyo hanjabaadda iyo hadallada naceybka ah ee loogu soo gudiyay baraha bulshada .. Caa'isha, Markii ay Milan ku noqotay, waxay dib u bilowday nolosheeda caadiga ah, waxayna ku xirnayd masaajid u dhow halkii ay ka degganayd magaalada.

Gabadhan oo ka shaqeyn jirtay arrimaha gargaarka, waxaa laga afduubtay Kenya, bishii November 2018-kii, waxaana la siidaayay bishii May 2020. Waxaa lagu haystay Soomaaliya, waxayna diinta islaamka qaadatay muddadii afduubka loo haystay.

Caa'isha Romano waxay sheegtay in kahor inta aanan la afduubin ay ka duwaneyd sida hadda ay tahay, wax xirir ahna uusan xilligaas kala dhaxeynin Alle subxana watacaala iyo iyada .. Markii ay yareyd waxay sheegtay inay "fikir khaldan ka heysatay diinta Islaamka oo marka ay aragto dad xiran dharka lagu yaqaano dadka Muslimiinta ah ay u arki jirtay in ay yihiin dad la caburinayo."

Waxay intaa ku dartay inkastoo "khaladaad badan" ay in ay ka aaminsaneyd diinta Islaamka in haddana laga caawiyay inay wax badan ka fahamto Muslimninada waxa ay tahay, oo waxay xustay "inay ahayd qof jaahil ah oo iska indha tiri jiray diinta Islaamka."

Waxay tilmaamtay in markii la afduubay la geeyay xabsi ku yaala gudaha Soomaaliya. "Waxaa is dhahay - dabcan waxaa laga yaabaa in sababta aan dhibkan u marayo ay tahay ka fogaanshaha aan ka fogaaday Allaah, tasina ay tahay sababta la ii ciqaabayo".