Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Saaka Saan-saanka U La Yimi Rooble Oo Lala Yaabay .. Rooble Socdaalkiisi Sacuudiga Mashiin Cusub Lagu Soo Shakalay Mise Habar U Faalisay Baa Wax Ku Tiri Oo Markaan Weerar Ula Soo Jiifsaday Farmaajo

Friday - May 14, 2021



Maalin-ba meel bey qabsataaye, maanta waxaa la sheegaya oo daaha laga qaaday in Madaxweyne Maxamed Farmajo Iyo Raiisal wasaarihiisa Rooble ay khilaafkooda is wab-waabin hadal iyo hardi ku dhamaadeen meel xun maraayso oo arimaha ay isku hayan markaan dibada u soo shaac baxday .. Waxaa la leeyahay sidi Rooble uga soo noqdayba Arlada Sacuudiga wuxuu bilaabay inu doc ka weerar ku sameeyo Maxamed Farmaajo, isla markaana wuxuu maankiisi la kaashaday talooyinka ay siyaan Mucaaradka iyo xubnaha beesha caalamka ee ku sugan Xayndaabka Xalane.

Sida warar xog-ogaala sheegayaan Maxamed Farmaajo maal-mahaan indhaha ayaa casaaday kadib marku arkay muranka badan iyo amar-diido qayaxan ee u la yimid Rooble .. Farmaajo ayaa si ilaaq ah ugu sheegay Rooble inu joojoyo weerarka u la soo jiifsaday gaar ahaan qaadashada afkaarta hogaga qarsoon ee ay watan Musharaxiinta, waxaa kalo oo u ka codsaday inu joojiyo amarad u ka bixinaayo xaga milatariga, laakiin Roble ayaa ugu dambeyn jawaabtisi Maxamed Farmaajo ku soo gabagabeeyey in umadaa ay isku afgartaan oo ay ku kala socdaan hadba wixii ay dhigtaan ee sharci ah, sidaa darteedna waa in aan meel isugu bayrno oo aan danta aanu leenahay ku kulano iyo masiirka umadda ayuu yiri .. wey soo dhaftay ayuu yiri sheeko iyo kiisas waqti kale lagu si dheereysto ee mudane madaxweyne khiyaamo la iska hoos bixiyo iyo sir hoose meesha waa iney ka baxda, balse lagu dadaalo daacadnimada iyo run ka sheega halkay dantu ku jirto oo jidka toosan aan ku dhacno ayuu Roble yiri.  

Dhinaca kale, waxaa Rooble la soo xariiray madaxda Midawga Afrika oo weydiisay inu la qabo iyo in kale diidmada maxamed Farmajo u ku diididay Ergeyga Mousa Faki Mahamat doorkiisa dhex-dhexaadinta, taaso Roble kaga jawaabay oo yiri lama qabo waan soo dhaweynaya Ergeygaas, halkaasna Maxamed Farmajo waa u ka carooday,  islamarkaa maxamed Farmaajo ayaa sido kale ka codsaday Rooble inu joojiyo Safarkiisa xaga caleema saarka Madaxweyne Cumar Geelle, iydana No weyn ayuu saaray.

Wararku waxay kalo qeexayaan, in xirir iyo is afgarad u dhex maray Rooble iyo labada madaxweyne ee Axmad Madoobe Iyo Deni u meel fiican maray, taaso keenta in ay ogolaadeen ka qayb galka shirka Teendhada ee dhacaya biishaan 20-keeda, isla marka waxaa la sheegaya in iyagana musharaxiinta ay shirkaas ka qayb gali-doonaan, taaso Farmaajo ku noqotay qadar dhacay iyo qoomamo .