Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Rag Haddu Calaacalo Ma Yara Cudurka Haya .. Abiy Axmed Oo Dhaxlay Ceeb Aan Hareyn .. Cabaad Iyo Cabsi Caawa Gurigiisa La Jiifa

Wednesday - June 30, 2021



Hogaamiyaasha hor boodaaya Jabhada Tigreyga ayaa si is-daba jooga u sheegaaya in ciidamadooda ay si xoog leh ugu sii durkayaan magaalooyinki muhiimka ahaa ee horay looga qabsaday oo intooda badan illa shalay iyo maanta ay dib u xoreeyeen, isla-markaana waqti xaadir ay ku teedsan-yihiin xuduudada Eretrea iyo Sudaan iyo waliba xadka dhinaca amxaarada, waxay kalo hadaladooda ku xuseen in ciidamada badan oo ka tirsan dawlada Fedaraalka ay is dhiibeen qaarkoodna firxad galeen

Dhinaca kale Raiisal Wasaare Abiy Axmed isago dhinac iska amaanaya, balse hadana baroor la cataabaya oo afka furtay ayuu yiri: waxayagi waxay noqdeen Ri' is nuugtay oo Shacabki Tigreya sidu u dhan yahay dagaal iyo iska caabin naga hor keeneen oo xitaa wadaadadi kirishtanka ay iyagu laftooda si toosa dagaalka u soo galeen .. wuxuu yiri xitaa caruurti iyo dumarki ayaa faasas iyo midiyo nagula dagaalamaya oo ciidamadi meelkasta waa lagu go'doomiyey illa heer ay maalmo biyo ay cabaan waayeen ..  Abiy Axmed oo si wacan u dhigatay laakiin sameyey marmarsiiyo aan la qaadan-karin sababta u uga soo baxay dhulkaas Tigreyga hadana waxaa muuqata inu qirtay in dagaalkas Tigreyga looga adkaaday .. Abiy Axmed maanta waaHaad geed waayey oo nafi kuma jirto.

Dowladda gobolka Amharada ayaa gashay xaalad cusub kadib marki ay madaxda Tigreyga ay ku dhawaaqeen in Amxaarada ay la dagaalami-doonaan oo wixii ay ku sameeyeen kaga aar-gudan-doonaan si dhaqso ah .. hogaamiyaasha Jabhada Tigreyga ayaa dhawr jeer ku cel-celiyey ineysan mar dambe isla joogeyn itoobiya inteeda kale