Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Afaganistaan Waa Mar Kale Iyo Jaah-Wareer Iyo Mugdi Aan La Garaneyn Meel U Ku Dhamaanaayo .. Maxaad Kala Socota Dalka Afaganistaan

Wednesday - July 7, 2021


Dalka Afghanistan waxay xuduud la leedahay dalka Chine, Russia, Iran iyo Pakistan, Indiana waxay marki hore ahaayeen xulufo, laakiin Markii danbe 1967-kii laga bilaabo waxa u janjeer-sadeen dhinaca Pakistan .. Dalka ingiriiska waxay isku dayeen 3 jeer in ay qabsadaan dalka Afghanistan, Laakiin way ku guuldaraysteen.

Qabaa’ilka afghanistan waxay ka kooban yihiin 14 qolo oo intooda badani wada sunni tahay iyo shiico
1933 boqortooyadii Afghanistan waxay la xulafo noqotay dalkiii india, hasa ahaate markii ay India iyo Pakistan labo dal kala noqdeen 1947-kii , ilaa 1967 -kii

1973-(kii inqilaab ayaa boqorkii inaadeerkii ku sameeyay , oo uu qabiilka Bush tooga wax kasta gacanta ka geliyay iyo wadaadadii iyo shuyuuciyiintii oo koox isaga taageeray .. 1978 ayaa inqilaab ciidan lagu sameeyay boqorkii oo shuyuuciyiintii la wareegeen dalkii

Ugu Dambeyn madaxdi shuuciyada waxay iska horyimaadeen kooxdii wadaadada ahayd, iyaguna Soviet union-kii ayay u adeegsadeen oo u yeerteen 1979-kii December .. Halkaas oo ay kooxihii islaamiga ahaayeen u qaylo doon-tagtay dunida carabta iyo islaamka in laga caawiyo dawlada aan diinta lahayn ee la colka ah diinta islaamka (sovet union-kii)
Halkaas waxa fursadaa arkay dalka USA oo doonaayay meel uu kaga aarsado ( Soviet-ka dagaalkii Vietnam ee Dalka maraykanka ku Jabay

Mareyknaka waxuu uu dabada ka riixaba dawladihii carbeed gaar ahaan khaliijka iyo masar si ay jihaadka u taageeraan oo ka qeyb galaan 
Ruusha iyo xulafadiisa afgaanistaanka aan diin islaam ogoleyn ogolayn , iyaguna waa dawladihi islaamka ahaaye way fuliyeen oo jihad ayaa loo wada dhaqaaqay ..Waa lagu jebiyay ciidamadi Soviet Union-kii dalka afghanistan .. 1989-kii ayuu iskaga baxay , waxaana burburay Soviet union-kii 1991-kii

Jabhadihii islaamiga ahaa ee guushii raacday marki dambe way iswada laayeen oo waxaa dalki afganistaan ka dhacay dagaal sokeeye

2001 Weerarkii New York (11/09/2001) (11 September markii uu dhacay ayaa dalka maraykanka imaaradii afghanistan ka codsaday in ay Usama Bin Ladin oo loo haysto in uu qaraxyadaa ka dhacay magaalada New York uu ka danbeeyay Gacanta u soo geliso hasa ahaate afghanistan-na way diiday arinkaas , Kabacdi dalkii Maraykanka dagaal ayuu ku soo qaaday isaga iyo xulafadiisii 145.000 oo ciidan ah ayay keeneen dalka afghanistan loo soo qabto Usama Bin Ladin

Iminka markii guul darooyin badani kala kumeen dalka Maraykanka afghanistan waxay doonayaan in ay ciidamadooda kala baxaan .. Afghanistan mar kale ayay geli doontaa dagaal dagaal sokeeye oo xoog badan.
Si kasta oo ay kooxda Bushtuuga u badnayd ee Talibaan u xoog weyn tahay Hadana waa mar kale iyo jaah Wareer iyo dagaalo sokeeye iyo quwado shisheeye oo afhanistan iskaga horyimaada Iyo mugdi aan la garanayn meel uu ku dhamaanaayo iyo burbur iyo baro kac kale iyo qaxooti hor leh