Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Waa Khudbadi Cusleyd U Kula Dardaarmay Nabi Maxamed SCW Saxaabada .. Rasuulkeeni Maxamed Ayaa Yiri: Asxaabay Alle Wuxuu Idin Ku Keey Soo Dhiibay Soo Idin Ma Soo Gaarsiin?

Thursday - July 8, 2021




Rasuulka SCW oo Carafo ku sugan ayaa wuxuu isugu yeeray dhammaan umadda reer Makka iyo Saxaabada oo idil, isagoo u sheegay in ay tahay markii ugu dambeeysay oo ay kulmaan .. Saxaabada marka ay hadalka Rasuulka maqleen wey ilmeeyeen, aad ayey u qiiroodeen, dabadeed Rasuulka ayaa yiri: War Dadoow i maqla, laga yaabee sanadkaan inuu yahay midka ugu dambeeya ee halkaan aan kuwada kulanno Ee Dadaw hadalkaan Qaata:

1-  Dhiigiina iyo in midkiina midka kale xoolihiisa ku xad-gudbo xaaraan ayuu idinka yahay ilaa Alle aad kala kulmeeysaan.

2- Sidoo kale waxaa Alle Quraankiisa uu ku sheegay in Qof muslim ah oo si gardaro dhiigiisa loo daadiyo ay kala qiimo badan tahay adduunka oo dhan.

3- Nabigeena Maxamed Scw wuxuu maalintaas yiri: Ribada waa xaaraan, iska ilaaliya, Sidoo kale qofkii qof amaano ka haya ha u celiyo amaanadiisa .. Rasuulkeena Maxamed ayaa ka dardaarmay in aargudashada ay tahay wax aan fiicneen.

4- Ragoow waxaan idin faraya Dumarka Inaad dhawrtaan 

Nabigeena sharaf badne Maxamed SCW ayaa 1,400 oo sano ka hor wuxuu ka hadlay xuquuqda dumarka. Maalintaas aad ayuu ula dardaarmay raga qaba xaasaska. Wuxuu yiri: War Ragoow dumarkiina Xaq ayey idinku leeyihiin, idinkuna xaq ayaad iyaga ku leedihiin. U naxariista, wanaagiina tusa, xumaantiina ha tusina, u ilaaliya sida quraarad ama dhalo oo kale

Sidoo kale Rasuulka wuxuu ahaa mid caawiya markasto dumaka. Tusaale ahaan wuxuu soo gali jiray guriga, markuu arko Caa'isha oo dharka dhaqeeysa isagana dharka ayuu qeyb ka wari jiray ..Waa la diiday dumarka oo la garaaco ama la aflagaadeeyo. Waligaa dumar ha caayin

5-  Nabigeena Maxamed wuxuu leeyahay "Kiina idinku cabsi badan ayaa alle aktiisa ugu karaamo badan, qof Carab ah kama fadli badna qof ajnabi ah, qof ajnabi ahna kama fadli badna qof carab ah.

6- Rasuulka wuxuu maalintaas yiri "Dadoow qof Marti ah si wanaagsan ula dhaqma xitaa haddii ay yihiin cadow ama qof aan heysan diinta islaamka.
Tusaale waxaa noogu filan markii Rasuulka scw ay marti qaad u fidisay haweeney Yahuudi ah oo uu ka aqbalay.

7- Nabigeena Maxamed SCW wuxuu ku dardaarmay in aan dhibaato la gaarsiin magaaalada Makka iyo guud ahaan Dhulka barakeeysan ee Sacuudi Carabi .. Wuxuu ku dardaarmay in Qof Makka u soo hijrooda aan dhibaato la gaarsiin.

8- Rasuulka wuxuu aad iyo aad ugu dardaarmay Salaadda, isagoo yiri "Salaadda, Salaadda War dadoow Salaadda ilaaliya, oo yaan laga tagina, acmaasha ugu wanaagsan ee la qabto waxaa ugu kheyr badan Salaadda .. ALLOW MARQAATI IIGA NOQO 

- Rasuulka ayaa Asxaabtiisa weydiiyay "Alle wuxuu idinku keey soo dhiibay soo idin ma soo gaarsiin?
Asxaabadii ayaa dhaheen "Haa Rasuul Allow" Kadib Rasuulka ayaa yiri "Allow marqaati iiga noqo, Wax walbo oo umadda aad iigu soo dhiibtay waan gaarsiiyay"
Maalintaas waxaa ooyay oo qiirooday dhammaan umaddii halkaas isugu timid, waxa ayna ahayd sanadkii ugu dambeeyay ee Rasuulka uu u qudbeeyo saxaaabada. Isla sanadkaan ayuuna xabiibka alle geeriyooday .. Allaha inaga dhigo Kuwa qaata Hadalka Rasuulka SCW Aamin yaa allah