Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Xikmad Ka Macaan Timirti Madiina .. Waa Xikmadi Iyo Oraahdi Caalimki Weyna Shiikh Axmed Diidaat

Monday - July 12, 2021



Islaamku wuxuu soo maray Dad badan oo xikmad laga hayo .. xigmaadaaso oo ah mid inta badan ku saleysan Quraanka kariimka ah ku dhaqan-kiisa iyo raacidii dhabta ahayed ee Rasuulkeena NNKH, hadaba waxaan halkaan idin ku soo gudbinaya xikmadihi qaar ka mida laga dhaxlay Caalamki weyna Shiikh Axmed Diidaa Allha ha u naxariiste:

1: "Qofna markii uu dhalanayay ma uu dooran midabkiisa, nasabkiisa, hantidiisa iyo cidda uu noqonayo ee haddii aadan abuurka ixtiraamayn, abuuraha ixtiraam"

2: "Cadowga ugu weyn ee Islaamku waa muslimka jaahilka ah, kaas oo xanaaqiisa iyo xamaasadiisa ku samaynaya falalka sumcad-darrada u soo jiidaya Islaamka, dadka kalena marka ay arkaan waxa ay moodayaan inuu Islaamku yahay isaga oo kale.”

3: "Anigu Muslim baan ahay, Islaamkuna waa diin dhamaystiran; laakiin, anigu ma ihi insaan dhammaystiran. Haddii aan gef ku dhaco Islaamka ha canaananina, ee aniga i canaanta.”

4: "Qofka gudaha ka wasakhaysani, ma suuraysto in ay jiraan dad wanaagsani.”

5: "Dadka kuwa ugu dhaqanka xumi, waa kuwa marka ay kaa caroodaan wanaagaaga inkira, sirtaada faafiya, noloshaadana diida, wax aanad ahayna kaa sheega.”

6: "Anagu ma nihin kuwa ka dib dhacsan reer Galbeedka, balse, waxa aynu nahay kuwa ka dib dhacsan Islaamka. Caalamka waxaan ugu harnay ka dib markii aan ka tagnay Diinteena.”

7: "Waa in aad ILaahay ka filataa, wax aanu garaadkaagu sugayn; ILaahay wax walba wuu awoodaaye.”

8: "Joogiddaada iyo la'aantaadu Islaamka waa iskugu mid, balse, adigu Islaamka la'aantii waad lumaysaa.”

9: "Islaamku adiga la'aantaa wuu guuleysanayaa, laakiin adiga Islaamka la'aantiis waad khasaareysa.”

10: "Waxa aan aaminsanahay in Alle yahay ka kaliya ee wax abuura, waxa uu na noo soo diray rasuullo iyo nebiyo, si ay noo hagaan.”

11: "Haddii aad jeceshahay Alle waa in aad jeclaataa Nabiga (scw). Haddii aadan jeclaan karin midka aad arki karto, sidee ayaad u jeclaan kartaa midka aadan arki karin.”

12: "Nooloow keligaa, hayeeshee cidna kelinimo ha badin; u nooloow si qof weyn, ee haku noolaan islaweyni; Alle u nooloow, Dartiisna u dhimo; abuurkana Abuurahooda u daa.”

13: "Dumarku, iyagu waa hooyadaa, iyagu waa walaalahaa, iyagu waa inanta aad dhashay, iyagu waa eeddada/habaryartaa, waa in ay noqdaan kuwo la jecel yahay oo aan iib ahayn; anigu ma xayaysiinayo.”

14: "Qof ayaa ku yiri Sheekh Diidaat: "Dumarku waa fitnada adduunka.” Sheekh Diidaat ayaa ugu jawaabay, "Haa waa runtaa, waan kugu raacsanay boqolkiiba boqol. waayo, Nacas adiga oo kale ah ayey 9 bilood la soo dhibaatoodeen oo adduunka keeneen si uu dumarka ugu tilmaamo dhibaatada adduunka!”

15: "Haddii aad cunto fasahaadsan, jirkaaga ayaa fasahaadaya .. haddii aad akhriso buug fasahaadsan, garaadkaga ayaa fasahaadaya .. Iska jira kuwa wax qora garaadkiina waxa ay u yeerinayaan.”