Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Aasaasihi Madhabka Shaaficiyada .. Markaana Waa Xikmadi Iyo Oraahdi Macaneyd Ee Imaam Shaafici

Friday - July 16, 2021



Rag badan oo kamid ah culumada waaweeyn ee ahlu xadiithka, ayaa waxay qoreen kutub u gooni ah taariikhda imaamu shaafici, waxayna ka hadleen cilmigiisa, sharafta illaahay siiyay, qiimaha uu u leeyahay ummada islaamka iyo sida uu diinta islaamka usoo nooleeyay, 
Xikmada dhaxalgalka ah ee imaam Shaafici waxaa inta badan laga soo guuriyey kitaabka la yiraah (tawaalii al-taasiis limacaalii muxammad binu-idriis al-shaafici), waxaana qoray imaamka wayn ee layiraahdo (al-xaafith al-kabiir ibnu

1: "Qofka wax laga caroodo lagu sameeyo, oo aan caroonini waa dameer. Qofka loo sameeyo wax lagu raalli noqdo, oo aan raalli noqon isagu waa shayddaan."

2: "Dadka oo loo wada furnaadaa, waxa ay ku dhaxalsiisaa saaxiibo xun; dadka oo laga xir-xirnaadaana, waxa laga dhaxlaa colaad. Hanna wada furnaan, hanna wada xirnaan."

3: "Aqoonta ficil la'aanta ahi, waa isla weyni."

4: "Bini Aadamka oo dhammi way dhintaan, marka laga reebo kuwa aqoonta leh."

5: "Qofka jecel in Alle qalbiga u furo, xikmadna ku arsaaqo; cidladda ha badsado, cuntadana ha yaraysto, laba qolona yaanu raacin (dadka maan-gaabka ah iyo culimada kuwa aan anshaxa iyo caddaaladda lahayn)."

6: "Ruux kasta oo aan siiyay qaddarin aanu mutaysan, waxa uu qaddarintaydii lumiyay in le'eg intii aan ku kordhiyay maamuuskiisa."

7: "Haddii aad aniga si gooni ah iigu nasteexayso, waad ii naseexeysay; haddii aadse dadka hortooda iigu naseexeyso, Waad i fadeexadaysay."

8: "Khaladka iska nac, balse ha nicin qofka sameeyay."

9: "Ninka u maleynaya in uu ka nabad galayo dadka carrabkooda, Kaasi Waa waalan yahay.
Ilaahay ayay dhaheen, labo Ilaah ayuu saddex ku yahay(Subxanallah).
Nabigaayay dhaheen, waa nin waalan, sixiroole. Marka ma umalaynaysaa inaad adigu ka nabadgeleyso. Cidna ha u joojine, Wadada Alle hayso."

10: "Qofkii dadka hadalladoodda kuu keena, hadhow buu adna hadal kaa qaadaa; qofkii dadka kugu ag xanta, hadhoow buu adoo maqan ku xantaa; qofkii marka aad raalli galisid kugu sheega wax aadan ahayn, hadduu hadhoow kaa xanaaqo wuxu kugu sheegi wax aadan ahayn."

11: "Xaqiiqdii dad ayaa geeriyoday oo adduunyada ka tagay, laakiin waxa nool Sharaftoodii oo weli magacoodii ayaa lahayaa, misana waa loo duceeyaa oo la ixtiraamaa iyagoo dhinty! Dadna wey nool yihiin oo weli ma dhimannin, laakiin dadka dhexdooda ayey ka dhinteen iyagoo nool!"

12: Ma jirto murug joogto ah, mana jirto farxad joogto ah; bellaayo dushaada ma ahaanin iyo Barwaaqoba; h︎addii aad tahay mid u saaxiiba qalbi qanaaca leh, adiga iyo midka adduunka hantiyay(taajirka) waxaa tihiin isku mid."

13: "Imaamu Shaaficiyoow! 'Noo sheeg( Shay Waajib ah oo lagasii waajibsan yahay, iyo shay cajiib ah oo lagasii cajiibsan yahay, iyo shay dhib ah oo lagasii dhib badanyahay, iyo Shay dhaw oo lagasii dhawaan badan yahay.'

Waxa uu dhahay: 'Dadka waxa waajib ku ah iney towbad keenan, waxaase ka sii waajibsan in Dunuubta laga dheeraado.

•Xilliga is badbaddalkiisa waa cajiib, laakiin mooganaanta dadka ayaa kasii cajiibsan.

•Marka masiibo kugu dhacdo samirku waa adag yahay, waxaase ka sii adag marka uu ajarkii ku dhaafo.

•Wax kasta oo aad ku haminnayso wey dhaw yihiin, laakiin dhimashada ayaa waxaas oo dhan ka dhaw."
 Haddii uu doqon uu hadlo, ha u Jawaabin; jawaabtiisa waxa ka khayr badan aamusitaan.
Doqon aan ka aamusay oo i caayey, Waxa uu ii maleeyey anigu in aan jawaabtiisa waayey, mana waayin; hasa yeeshe waxa aan xirtey maradda dulqaadka, waxanna ka fogaadey doqonnimo inta aan noolahy."