Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Yurub Iyo Ibtilada Anshax-Xumida Xijaab La'aanta Ay Abuureen .. Dawladihi Carabta Fuleynimo Darteed Dibnihi Kala Qaadi La' .. Turkiya Oo Ku Jawaabtay Aarsi Iyo Colaad

Wednesday - July 21, 2021




Dawlada Turkiga ayaa si kulul u dhaleeceeysay xukun ka soo baxay maxkamadda ugu sarreysa Midowga Yurub oo oggolaatay mamnuucida xijaabka iyada oo la eegayo daruufo gaar ah, wuxuuna arrintaas Turkiga ku tilmaamay mid ah “xadgudub cad oo ka dhan ah xorriyadaha diinta.”

Xukuumadda Ankara ayaa intaa ku dartay in tallaabadaas ay sii xoojineyso fekerka khaldan ee laga aaminsan yahay haweenka Muslimiinta ah ee ku nool Yurub.

Maxkamadda Caddaaladda ee Yurub (CJEU) ee fadhigeedu yahay Luxembourg ayaa Khamiistii xukuntay in shirkadaha ka dhisan dalalka ururka ay ka mamnuuci-karaan shaqaalaha inay xirtaan xijaab, haddii ay doonaan si loo muujiyo in ay dadka shaqaalaha ah ay wada siman-yihiin.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay xukunkan inuu astaan u yahay naceybka Islaamku sii kordhayo xilli ay sheegtay in haweenka Muslimiinta ah ee ku nool Yurub ay la kulmayaan takoor sii kordheysa oo ku saabsan caqiidadooda.

“Go’aanka maxkamada Yurub ayaa imanaya xilli Islaam naceybka, cunsuriyada iyo naceybka ka jira qaaradda ay sii kordhayaan. Tixgelin la’aanta xoriyada diinta waxay abuureysaa takoor iyada oo lagu gabanayo sharciga,” ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaankeeda.

Arrinta xijaabka lagu xirto madaxa, ayaa sannado badan ahaa mid lagu kala qeybsanaa guud ahaan dalalka Yurub, gaar ahaan sida ay Muslimiinta is dhexgal u sameyn karaan.

Kiiskan waxaa maxkamadda geeyay labo haween ah oo ku nool dalka Jarmalka kuwaa oo laga joojiyay shaqooyinkoodii kadib markii ay billaabeen xirashada xijaabka, oo Muslimiinta ay u arkaan in uu yahay qeyb ka mid ah diintooda.

Shirkaddii ay gabdhahan u shaqeynayeen ayaa u sheegay in arrintan aan la ogoleyn, waxayna lagu wargaliyay in xijaab la’aan ay shaqada yimadaan ama shaqo kale loo bedali doono.

Go’aan ay soo saartay 2017 maxkamadda Midowga Yurub ee ku taal Luxembourg ayaa hore u sheegtay in shirkadaha ay ka mamnuucaan shaqaalaha inay xirtaan xijaabka iyo astaamaha kale ee diineed ee muuqda xaaladaha qaarkood. Waqtigaas waxaa go’aankaas ka dhashay muran xooggan oo dhaxeeyay kooxaha diimaha kala duwan haysta.

In ka badan shan milyan oo Muslimiin ah ayaa ku nool Jarmalka, taas oo ka dhigaysa in yihiin kuwa ugu badan dadka laga tirada badan yahay ee diimaha kale haysta.