Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Musuq-Maasuqu Waa Cadawga Ugu Weyn Ee Ka Horyimaada Horumarka .. Musqul Dahab Lagu Xardhay Oo Laga Helay Guri Nin Bolis Ah Leeyahay

Thursday - July 22, 2021


Musqul lagu xardhay dahab iyo agab kale oo raaxada loogu talagalay ayaa laga helay guriga nin boolis ah kadib markii baarayaasha Ruushka ay u dheceen halkaas .. Baarayaasha waxay sheegeen inay howgal ka sameeyeen guriga sarkaal boolis ah oo musuq maasuq loo heystay.

Muuqaal la soo dhigay bogga guddiga dabagalka ee Ruushka ayaa muujinaya iyagoo baaraya guriga weyn oo ay ka buuxaan agab qaali ah .. Gaashaanle sare Alexei Safonov oo ahaa madaxii ciidamada waddooyinka gobolka koonfurta ku yaalla ee Stavropol iyo lix sarkaal oo kale ayaa la xiray, waxaana lagu eedeeyay in laaluush ay ka qaateen dadweyne oo ay siiyeen shatiga gaadiidka oo been abuur ah.

Wuxuu shatigan u horseeday darawallada inay maraan baro kantarool oo ay ku sugan yihiin booliska iyaga sida badeecado si sharci darro ah lagu gelinayo halkaas .. Saraakiishan weli kama aysan hadlin eedeymaha loo jeediyay.

Dhammaan sarakiisha booliska Ruushka ee ka howlgala gobolkaas ayaa ka qeyb qaatay howlgalkan ka dhanka ah musuq-maasuqa .. Guddiga baaritaanada u qaabilsan Ruushka ee SK wuxuu sheegay in baaritaanada lagu soo qabtay lacag badan iyo baabuurta raaxada, waxaa kalo la haya guryo qurxoon oo looga shakiyey inay leeyihiin saraakiishaas kuwaaso xitaa jikada lagu xardhay dahab

Waxay intaas ku dareen in sarkaalkan lagu magacaabo Alexei Safonov uu sanado badan laaluushka qaadanayay isla markaana uu qaatay lacag dhan 255,000 oo dollar.

Safonov wuxuu wajahi karaa 15 sano oo xarig ah, waa haddii lagu helo dembiga. Waxaa kamid ah saraakiisha la xiray taliyihii hore ee ciidamada waddooyinka gobolka oo lagu magacaabo Alexander Arzhanukhin.