Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Akhbaarti Zamanki Hore .. Habeenki Dheelmitaanka Nabi Maxamed CSW Oo Soo Arkay Laba Magaalo Khalqi Ku Noolyihiin Kana Baxsan Dunida Oo Ku Kala Yaal Mashriq Iyo Maqrib

Friday - July 30, 2021




Rasuulka SCW waxaa la dheelmiyey jasadkiisa iyo ruuxdiisa sida saxiixa ah .. Waqti habeennimo ah ayaana la dheelmiyey, waxayna culimada saxiixaynku wariyeen in Rasuulka SCW markii la dheeelminayey malaku Jibriil uu guriga saqaafkiisa sare ka soo galay oo jeexay xabadka Rasuulka SCW soona bixiyey galbigiisa kuna dhaqay biyo samsam ah oo ka buuxiyey xikmad iyo iimaan. 

Nabiga SCW waxaana laga dheelmiyey Masjidka Xaramka ah ilaa Beytul-Maqdis. Rasuulku SCW wuxuu sarnaa Buraaqo, waxaana la socday Jibriil. Wuxuu Nabiga SCW ku degey Baytul-Maqdis oo uu halkaa ku tujiyey anbiyadii, buraaqadiina waxaa lagu xiray masaajidka albaabkiisa. Ka dib wuxuu ka baxay Baytul-Maqdis isaga iyo Jibriil isla habeenkiiba, waxayna tageen oo koreen samadaan dhow. Ka dib Jibriil ayaa dalbay in laga furo (Albaabka samada) waana laga furay.

Nabiga SCW wuxuu samada dabaqyadeeda ku soo kala arkay Nabi Aadam Cs , Nabi Yaxye Cs, Nabi Ciise Cs. Nabi Yuusuf Cs, Nabi Haaruun CS, Nabi Muuse CS, iyo Nabi Ibraahim Cs illa u tagay Sidratul-Muntaha dabadeedna waxa lo sii kor yeelay Baytul-Macmuur .. Saxaabada ayaa weydiisay nabiga inu Rabiga arkay, Wuxuu yiri nuur baan arkay.

Sidoo kale Rasuulka SCW wuxuu soo arkay habeenkaas la dheelmiyey dad la cadaabayo sida kuwa dadka xanta, iyagoo leh ciddiyo bir ka samaysan oo wejiga iyo xabadka iska diiranaya. Sidoo kale waxaa Rasuulka SCW habeenkaas malaku Jibriil u keenay saddex weel oo ay ku kala jiraan caano, malab, iyo khamri wuxuuna cabbay kii caanuhu ku jireen markaasaa malaku Jibriil ku yiri: “waa fitradii”, sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW habeenkaas maqlay shanqarta qalimaanta malaa’igta.

Dhinaca kale waxaa iyadana jirta Xadiis laga soo wariyey Nabigeeni Maxamed CSW oo sheegaya in Habeenki Isra-Wal-Micraaj ee dhabada Samada jeexay amase la dheelmiyey Nabi Maxamed CSW u soo arkay Laba Magaalo ifeysa ee Alle abuuray oo ka baxsan dunida aan ku noolnahay oo midna ay ku taalo dhinaca Mashriq oo magaceeda lagu suntay "Jaablaqa" iyado Tan kalana ay ku Taal Jihada Maqrib magaceedana yahay "Jaabrada"  .. Arlada Magaalo-kasta dheerar-keeda iyo Balaceeda waa 300-000 KMsq .. Magaalo -kasta waxay leedahay Toban Kun Albaab ( Guri) .. Albaabadaas amase Guryahaas waxay Cabir masaafo ahaan isu jiran min hal kilo-mitir  "1-Km"

Ummadaas Alle halkaas ku abuuray hurdo ma yaqaanin oo ma seexdaan illa maalinta Qiyaame, waxayna jiritaanka noloshooda ahaaneysa Todobo Kun oo sano iyo wax ka yar .. Umadaas waa Makhluuq lafa waaweyn leh oo haddana xikmad badan, hasa yeeshe ma arkaan Qorax, Dayax, mana ay maqlin Nabi Aadam iyo ibliis sharkiisa mid-koodna, waxayse caabudaan Alle kaliya .. Umadaas waxay iftiin ka helaan Nuurka Carshiga Rabi.

Nabigeeni Caleyhi Salaatu Wa Salaam waxaa laga wariyey inu yiri: habeenki dhelmi-taankeyga waxaa Jibril CS ii soo mariyey magaalooyinkaas dunideena ka baxsan, dabadeed Umadaas waxaan ugu yeeray Gargaarka iyo Cibaadada Eebe Subxaana Waa Taacaala, oo si fican ayey ii ajiibeen iyo soo dhaweeyeen aan loo kala harin iyo wixii aan u sheegay oo yiraahdeen Rumeynay Rabow Rumeynay .. Halka Juuju Wama Juuju gacan haadinti Nabiga iyo isku daygi inu la hadlo ay ka jeesteen oo garna diideen balse dhagaha ka fureysteen.