Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Aabaayo Soo Fariiso .. Nin Iska Dhigay Naag Si Uu imtixaan Ugu Galo Saaxiibti

Thursday - August 5, 2021



Dalka Senegal waxaa ka dhacay sheeko hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada, kadib markii nin dhalinyaro ah isku dayay in uu iska dhigo Gabar si uu imtixaan ku adkaa saaxiib ugu galo.

Khadim Mboup, oo ah arday wax ka dhigta Jaamacad ayaa ku fashilmay qorshihiisa lana qabtay xili uu doonayay in imtixaanka luqada Ingiriiska ah u galo gabar ay saaxiibo ahaayeen oo sidaas ka codsatay.

Baraha bulshada dalka Senegal ayaana si weyn loogu baahiyay sawirada Khadim oo 22-sano jir ah oo xirnaa dharka dumarka gaar ahaan dhar gaduudan iyo qamaarka dumarka xirtaan si dumar loogu maleeyo.

Ardayga ku fashilmay qorshihiisa ayaa sheegay in sababta uu ugu dhaqaaqay tallaabadaas uu dumarka isaga dhigay ay aheyd in saaxibtii ay ku adkeyd luqadda Ingiriiska sidaa darteed uu doonayay in isagu u galo imtixaanka.

Wiilkan gabadha iska dhigay iyo saaxiibtiisa qorshahan ka dambeesay ayaa la soo taagay maxkamad, waxaana lamaanahan loo heestaa dacwad la xariirta qiyaano iyo wax is-dabamarin dhanka imtixaanaadka ah.