Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Abiy Ma Ku Tashaday Sidaan Bey Noqon .. Xoogagi Tigreyga Itoobiya Oo Cunaha Qabtay Qoomiyada Amxaarada Ee Maxaa Xaar Iyo Dhuuso Ka Socota .. Lalibela Gacan Buuxdaa Lagu Qabtay

Friday - August 6, 2021



Xoogaga ka dagaalanta gobolka Tegray ee waqooyiga waddanka Itoobiya ayaa waxa ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Lalibela, halkaas oo ah magaalo ay Unecso u aqoonsan tahay inay ku yaallaan goobo taariikhi ah oo caalami ah, kuna taal gobolka midkaas dariska la ah ee Amxaarada.

Lalibela, ayaa waxaa ku yaal kaniisado qarnigii 13-aad laga dhisay buuro la qoray, halkaas oo ah meel barakaysan oo ay leeyihiin malaayiin kirishtaan ah .. Dadka magaaladaas ku nool ayaa ka qaxayay ruqaansiga Tegreyga, waxaa sidaasi BBCda u sheegay saraakiil maxalli ah.

Kumannaan qof ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalku qarxay Nofeembartii la soo dhaafay .. Dagaalka ayaa haatan ku fidaya gobollada Amxaarada iyo Canfarta oo xad la leh gobolka Tigray, Malaayiin qof ayaa sidoo kale guryahoodii ka barakacay.

Xoogaga Tigray iyo milateriga Itoobiya iyo xulafadiisa ayaa waxaa lagu eedeeyay inay galeen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo dambiyo dagaalba .. Maayir ku xigeenka magaalada Lalibela, Mandefro Tadesse, ayaa BBCda u sheegay in magaalada ay gacan ku haynteeda la wareegeen ciidamada Tigray.

Waxa uu sheegay in aanay wax rasaas ah halkaas ka dhicin, hasa-yeeshee dadka magaaladu ay halkaas isaga baxsanayeen, uuna ka walaacsan yahay bad-qabka kaniisadaha taariikhiga ah.

Waxaa halkaas ku yaal 11 kaniisadood oo laga sameeyay buuro la qoray kuwaas oo la dhisay intii u dhaxaysay qarnigii 12-aad iyo midkii 13-aad. Waxaa loo dhisay inay badel u noqdaan xajka loo aado Dhulka Barakaysan, dhulkaas oo waagaas ahaa mid aanan la gaari karayn.