Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Wax Ha Arkin Oo Ha Maqlin Waa Habaar .. Rooble Ma Noqon Awr-kiraale Lag Shaqeysto Iyo Mid Reer Loo Maqar Saaray .. Kenya Oo Furatay Dhismaha Cusub Ee Safaaradeeda Mogdisho

Monday - August 9, 2021



Dowladda Kenya ayaa shalay si rasmi ah dib ugu furtay dhismaha cusub ee safaaraddeeda ee magaalada Muqdisho, bilo kadib markii labada dal ay dib u soo celiyeen xiriirkooda diblomaasiyadeed, laakiin sababo la xaiira xaga dawlada somalya ayaa dib u dhigay furtinaanka safaarda Kenya

Safaaradda ayaa markaan waxay furatay safaaradeeda, kadib marki Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Raychelle Omamo oo shalay booqasho ku tagtay Muqdisho, waxaana wehliyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo isago waayahaan-ba ka shaqeynaayey sidi labada dhinac ee kenya iyo somaliya u xiriirkooda caadi u noqon-lahaa, taaso Madaxweyne Maxamed Farmajo u sababo jira awgeed ka goys-haystay

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen labada wasiir ayaa lagu sheegay in labada wasiir ay soo dhoweynayeen dib ugu laabashada labada safiir ee xarumahooda diblomaasiyadeed ee Nairobi iyo Muqdisho .. Waxay sheegeen in taasi ay xudun u aheyd ballan-qaadka furitaanka bog cusub oo ku saabsan xiriirka labada dal.

Xiriirka labada dal ayaa la filayaa in lagu sii xoojiyo socdaal la filayo in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu toddobaadkan ku tago magaalada Nairobi, taaso illa hadda maxamed Farmaajo usan raali ka ahayen

Rooble oo shalay xafiiskiisa ku qaabilay Raychelle Omamo, ayaa kadib qoraal kasoo baxay xafiiskiisa lagu yiri "Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.”