Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Qiiso Gaaban oo Islaami Ah .. Haweyney Yuhuuda Oo Ku Islaantay Akhlaaqda Nin Muslim Ah

Friday - August 13, 2021



Waxaa jiray Nin suudaani ah oo muslim ah daganaa dalka Maraykanka ninkan waxa la jaar ahaa islaan
cadaan ah oo dhalasho ahaan ka ssoo jeeday yahuud dabeeto ninkan markasta way caydaa waxay ku dhahdaa uma qalantid inaad dalkan ku noolaatid waxaad tahay adoon madow waxaad
tahay argagixiso laakiin ninkani waa nin diin leh xataa hal kalmad umuu celin jirin oo wuu
iskaga dhaqaaqi jiray isagoon hadal oran.

Hadaba ninkii Suudaaniga ahaa oo shaqadiisa ka soo rawaxay, ayaa arkay islantii oo tuug dhacaysa oo dileysa ..  ninkii wuu ku soo cararay kana dhacshay tuugti, dabadeedna iyada oo koomo ku jirta ayuu dhakhtarka ula cararay oo dul fadhiyay ilaa ay soo caafimaaday ..  markay aragtay isaga oo dhakhtarka la jooga ayay bilawday caydii caadada u ahayed, laakiin ninkii isaga oo qoslaya ayuu soo eegay.... dabeeto nin dhakhtar ah oo ka mda kuwi daaweeyey ayaa islaanti ku yiri hadaanu ninkani dhakhtarka ku keeni lahayn xaaladaadu halis bay noqon lahayd 

hadaba iyado lagu jiro bil Ramadaan waxa si laama filaan ah gurigii ninka muslinka ah soo gashay islaantii iyada oo qirasa kalmada tawxiidka oo soo islaamtay kuna islaamtay akhlaaqda ninkan muslinka ah .. mudo ka bacdi waxa dhimatay islaanti laakiin gurigeedii iyo hantidii baanka u taalay waxay ku qortay ninkaa suudaaniga ah ee muslimka ah sababtiisana ay ku islaamtay