Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Afgaanistaan Raqdeedi Waa Lagu Soo Qamaamay Qurubkiina Waxaa Haleelay Talibaan .. Tuugi Ashraf Ghani Ee Mareykan Ku Xil Qarsaday Oo Caawa Goob Xun Yuurura

Sunday - August 15, 2021



Kabul  – Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa sheegay inuu dalka ka cararay “si looga hortago dhiig daata,” ayada oo Taliban ay si rasmi ah u galeen madaxtooyada dalka ee ku taalla magaalada caasimadda ah ee Kabul .. Saraakiil sare oo ka tirsan Taliban ayaa AFP u sheegay inay hadda kulan amni ku leeyihiin madaxtooyada, oo ay si buuxda ula wareegeen. 

Ex Madaxweyne Ghani ayaa sheegay inay la noqotay “in muwaadiniin badan ay shahiidi lahaayeen, isla-markaana Kabul la burburin lahaa,” haddii uu sii joogi lahaa

“Taliban waa ay guuleysteen, waxayna hadda mas’uul ka yihiin sharafta, hantida iyo dhowridda walaalahood,” ayuu Ghani ku yiri bayaan uu soo dhigay faecbook .. “Waxay iminka wajahayaan tijaabo kale oo taariikhi ah. Ama waxay joogteyn doonaan magaca iyo sharafta Afghanistan, ama waxay ahmiyad siin doonaan meelo kale iyo shabakado,” ayuu yiri. 

Ghani ma uusan shaacin halka uu u cararay, hase yeeshee warbaahinta ugu weyn Afghanistan ee Tolo ayaa sheegtay inuu aaday dalka Tajikistan. 

Dhinaca kale, diblomaasiga ugu sarreeya Mareykanka ayaa la-wareegista Taliban ee dalka Afghanistan ugu yeeray “mid qalbiga xanuujineysa,” wuxuuna sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka shaqeynayaan inay dhammaan dadka Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeeyey kasoo saaraan dalkaas.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken ayaa sheegay in bad-qabka shaqaalaha Mareykanka, oo weli ku sugan safaaradda, iyo Afgaaniyiinta caawiyey ay tahay “shaqadooda koowaad.”

“Mareykanka wuxuu sameyn doonaa wax kasta oo suurta-gal ah oo aan awoodno, si aan uga soo baxno dalka, haddii taas ay tahay waxa ay doonayaan,” ayuu Blinken u sheegay Barnaamijka State of the Union ee taleefishinka CNN.

“Taliban waxba ma aynan weydiisan. Waxaan u sheegnay haddii ay faraha lasoo galaan shaqaalaheena ama holwgalladeena inta aan ka baxeyno, ay jiri doonto jawaab deg deg ah oo adag,” ayuu yiri Blinken.

Sarkaal sare oo Mareykan ah, oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa dhinaca kale sheegay in kumanaan askari oo Mareykan ah ay imanayaan Afghanistan ayna si buuxda u maamulaan aagga safaaradda iyo garoonka diyaaradaha Hamid Karzai International Airport, oo ku yaalla banaanka Kabul.

Biden ayaa Sabtidii amray in 1,000 askari oo kale oo dheeraad ah loo diro Kabul, si ay gacan uga geystaan sugidda hantida iyo shaqaalaha Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeeyey Mareykanka.

Guud ahaan 4,000 oo Mareykan ah ayaa la filayaa in tagaan Kabul maalmaha soo socda, si ay u xoojiyaan 650 oo askari oo Mareykan ah oo dalkaas horey ugu haray.