Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Runta In Yar Baa Sheegta Laakiin Uurkey Ku wada Haystaan .. Taalibaan Oo Cafis Guud U Fidisey Dhamaan Masuullinta Afaganistaan Ballan-qaadna U Sameysay Haweenka

Tuesday - August 17, 2021



Xoogagi Taalibaan oo maanta shir jaraaiid ku qabtay markay la wareegeen magaaladda Kabuul ayaa cafis guud u fidisay dhammaan mas’uuliyiinta dowladdii Afghanistan, iyagoo ku boorriyay inay ku laabtaan shaqada iyagoo qaba “kalsooni buuxda” .. ma dooneyno ayey yiraahdeen cadawo gudo iyo mid dibad, sido kale waxay carbaabeen in xuquuqda Haweenka la ilaalin-doono oo xita shaqada iyo waxbarashada loo ogolaan-doono si waafaqsan shareecada islaamka .. waxay ballan qaadeen in dhulka afagaanistaan aan loo adeegsan-doonin weeraro ka dhan ah dalal kale

Waxay yraahdeen: Cafis guud ayaa loo fidiyay dhammaan oo sidaa daraadeed waa inaad dib loo bilaabaa nolol maalmeedka qofkasta oo si weliba ay kalsooni buuxda ku jirta,” ayay qortay AFP, iyadoo soo xiganaysa bayaan ka soo baxay Taliban.

Warkaan ay sheegeen talibaanka waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay jirto cabsi soo food saartay dadka Afgaanistaan oo ka walwalsanaa dhaqamada Taalibaanka ee horay loogu yiqiin caana ku ah inay fuliyaan ciqaab arxan darro ah waxaana lagu eedeeyay inay geysteen dambiyo dagaal.

Ballan-qaadyadan ayaa hadda looga fadhiyaa Taalibaan inay ka dhabeyso, waxayna sida ay uga dhabeeyaan ku xirnaan doona sida ay beesha caalamka u wajahdo aqoonsiga dowladdooda.