Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Boliska Somaliland Oo Ku Eedeeyey Suxufi Coldoon In Niic-nicdiisi Ay Niic Ka Badatay .. Miskiin U Doode Cabdi-Maalik Coldoon Oo Maanta Bir Lays Dhaafsiyey Dhab Lagu Siiyey

Thursday - August 19, 2021



Ciidanka booliska Somaliland ayaa suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon ka qabtay xili u ku sugnaa xafiiskiisa magaalada Burco ilaa hadana war rasmi ah lagama soo saarin sababta keentay xarigiisa.

Cabdiqaadir Cismaan Dubad oo ah farsamayaqaanka la shaqeeya Cabdimaalik Coldoon ayaa hada  xaqiijiyey in la xiray suxufigaasi oo u ku suganyahay saldhiga dhexe ee magaalada Burco.

Inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn sababta ka dambeysa xarigiisa, ayaa haddana waxaa maalmihii u dambeeyay taagneyd xiisad ka dhex aloosneyd Cabdimaalik iyo iskuulka Abaarso, oo uu soo fara-geliyay madaxweynaha Somaliland oo sheegay in iskuulkaas uu yahay mid ka maran eedeymaha loo jeedinayo ee ah faafinta dhaqano lidi ku ah diinteena suuban, xili uu sheegay inuu booqasho ku tegay soona hubiyey.

Cabdimaalik oo ka fal-celiyay hadalka Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa uu sheegay in madaxweynaha isku dayayo inuu dabool saaro xaqiiqada dugsigaas, oo kal horena loo xiray arrintaasi Coldoon.

Sidoo kale, Coldoon ayaa muddooyinkii dambe dhaleeceyn xoogan u jeedinayay xarunta dhaqanka ee Hargeysa, taasi oo sidoo kale uu ku sheegay inay faafiso waxyaabo ka dhan ah dhaqankeena iyo diinteenaba.

Saacad ka hor unbey aheyd markii uu bartiisa Facebook soo dhigay Cabdimaalik, qoraal uu ku eedeynayo in Guddoomiyaha Jaamacadda Barwaaqo ee shabakadda Abaarso oo haweeney ah ay gudaha Somaliland ku faafiso gaalnimada, ayna dadka ugu yeerto si ay uga soo baxaan diinta Islaamka.

Si kastaba, ma aha markii u horeysay ee ciidamada booliska Somaliland ay xiraan Cabdimaalik Coldoon, ayada oo kal hore maxkamadda gobolka Maroodijeex ay ku xukuntay xariga saddex sanno ah. Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amaanka oo ku aadan xarigiisa.