Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Waa Xikmadi Iyo Oraahdi Faylasuuf Ibnu Khaldoon: Dulmiga Wax Kasta Oo Dhisan Isaga Ayaa Dumiya .. Astaanta Lagu Garto Dhicitaanka Dawlada Waa Madaxda Oo Ku Mashquusha Xoolo-aruursi

Friday - August 20, 2021


Waxaa jirta xikmad oranaysa akhriyaha maant waa hogaamiyaha beri .. Xikmada iyo wax akhrinta waxaa lagu tiriyaa in ay tahay hab ka mid ah hababka ugu fiican ee insaanku ku kasbado wax badan oo kamid ah aqoonta culuunta iyo fikradaha, waxa ayna gaarsiisaa in Insaanku noqdo mid horumarsan dhan walba oo noloshiisa kamid ah, cilmi ahaan cafimaad ahaan dhaqaala ahaan, bulsha ahaan, siyaasad ahaan, dhaqan ahaan, waxa ayna u furtaa dariiq iyo maskax balaaran oo ay adkeyd gaarideeda.

waxa la sheegaa Maktabadii ugu horaysay ee faraacinadii hore in albaab-keeda hore ay ku qoreen, “Halkaan waa quudka nafta, iyo daawada caqliyada”

1: In uu qofku dareemo aqoon-yaraantiisa, waa waax ka mid ah aqoonta.

2: Haddii aad doonayso in aad ogaato shakhsiyadda qofka, eeg cidda uu la saaxiibka yahay, dabciyadu way is xadaane.

3: Maadaama oo ay naxariistu ay tahay daacadnimo, qalbi walba lagama helo.

4: Dulmigu wax kasta oo dhisan isaga ayaa dumiya, deegaanka aad ku aragtona waxaaga ka ururso.

5: Astaamaha lagu garto dhicitaanka dowladuhu, waa madaxda oo ka shaqaysata ganacsiga iyo iibka, kuna mashquula xoolo-urursi.

6: Aadamuhu ma jiri karo iskaashi la'aan.

7: Taariikhdu marka dusha laga eegayo waa war uun, balse waxa ku hoos qarsoon xaqiiqooyin iyo cibro qaadasho.

8: Ummaddaha la maquuniyo, akhlaaqdooda ayaa lunta.

9: Marka ay ummad dawladoodu dunto, aqoon-yahanada iyo afmiishaaradu way bataan indheergaradnimada iyo fikir qumanaantuna way dumaan.

10: Waa hubaal qofka falsafadda in yar ka akhriyaa, in uu u cararayo dhanka ilxaadka; qofka in badan ka akhriyaana dhanka iimaanka.

11: Akhlaaqda heerkeeda ugu sarreysaa waa in aad dhagaysato, qof kuu sharraxaya wax aad si fiican u garanayso, balse iyagu mooggan yahay."

12: Ka laga adkaadaa, waligiiba waxa uu jeclaystaa habdhaqanka ka adkaaday.

13: Xamaasaddu waa abuur ku beernayd aadamaha jiritaankoodba.

14: Raacidda indhaha lala raaco caadooyinkii hore, kama dhigna in dadkii hore dhintay ay soo noolaadeen, ee waxa ay ka dhigan tahay in kuwa nooli dhinteen.

                   Waa Tee Xikmada adiga sida gaarka ah kuu soo jiidat?