Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Ninba Kadabkii Loo Qoray ILLaah Wuu La Kulansiine .. ILmo Ku Dhex Dhashay Diyaarad Mareykanka Oo Dad Daad-gureyneysay

Sunday - August 22, 2021



Haweeney reer Afghanistan ah, ayaa ku dhashey ilmo yar, iyadoo saaran diyaarad Mareykanku ay ku daad gureynayaan dad fara badan.

Farriin la soo dhigey maanta oo Axad ah barta twitter-ka, ayuu taliska guur-guura ee hawada Mareykanka, ku sheegay in haweeneydan iyo qoyskeedu ka safrayeen Bariga Dhexe, iyagoo ku sii jeeday saldhiga cirka ee Ramstein ee Jarmalka, markii ay foolanaysay.

Kadib markii haweeneydan ay la soo daristay xanuun, taliyaha diyaaradda ayaa go’aan sadey in hoos loo dhigo joogga ay ku duuleysay diyaaradda, si loo kordhiyo cadaadiska hawada ee diyaaradda, taasoo gacan ka geysatey xasilinta iyo badbaadinta nolosha hooyadan.

Markii ay caga dhigatey diyaaradda, Takhaatiirta ciidanka Mareykanka, ayaa soo dagay, iyagoo ku wareejiyey ilmihii yaraa hooyadii dhashey.