Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Wajiga Cusub Ee Ay Yeelankarto toobiya .. Haddi Xaaladaha Itoobiya Ka Soo Reyn-waayaan Waxa Ay U Muuqata In Gacanta Somaida Lagu Kala Badbaadi-doono

Tuesday - August 24, 2021



Dalka Ethiopia waxa ka jira culeys weyn iyo cadaadis aduunku ku hayo maamulka Abiy Ahmed Ali oo gaaray heer laga go'doomiyo dhaqaalihii badnaa ee aduunku galin jireen dalka Ethiopia si loogu cadaadiyo in uu xaalada Tigray u dabco.

Waxa ku socda dagaalo dadban oo dalka Ethiopia ku hurinaya colaado isir iyo qoomiyado oo halis ku ah gobolka Geeska Africa oo dhan kuwaasi oo laga werwer-qabo hadii ay soo kordhaan in ay gaari- karaan dawladaha jaararka sida Djibouti iyo Erateria oo ugu horeyn-doona.

Hadab Haddi Xaaadaha Itoobiya Ka Soo Reyn-weydo Maxa  Xal-noqnkara?

Dr Abiy Ahmed waxa loo arkayey qof niyadsami wax badan ku bilaabay wanaagii uu rabay iyo qorshihii markii uu kaligii ahaa uu watay uu sumcad weyn ku helay , walow uu qaatey go’aan kharaar oo kumayaal Ethiopian ahi u dhinteen sidii ay Badhame u heli lahaayeen hadana waxa uu qaatey nabad waxaana uu ku badeshay;

1- In dhamaan colaadii Erateria ay u haysay Ethiopia oo nuglayd loo badelo walaalnimo iyo iskaashi.

2- In dhamaan mucaaridkii dawlada Ethiopia iyo jabhadihii fadhiyey Asmara la soo gabagabeeyo dhamaantood , waxaana ay ahaayeen ogaalkay ilaa 6 jabhadood oo hubeysan.

3- In uu qaatay qaraarkii qaramada midoobay ee dhulkaasi in ay Erateria leedahay lagu go’aamiyey oo uu taageero iyo soo dhaweyn aduunka oo dhan kala kulmay.

Waa kuwii wax-waliba si dhakhso ah isku badelay ee ay xataa noloshiisu halis gashay maadaama aan maamulka xukuumada Ethiopia iyo ciidamadu ku qanacsanayn go’aanada uu qaatay ee qalafsan , waxaa uu ka badbaaday ilaa 3 shirqool oo in la dilo loogu talogalay iyo inqilaabyo qorsheysnaa.

Xanaaqi uu ka qaadey ayuu qaadey cadaawad kale iyo cuqdad qoomiyado gaar ah , waxaa uu soo kala dhaweystay dadkii Ethiopia, waxaana dhacday natiijada iyo xaaladaha Ethiopia hadda ka taagan oo aan wanaagsanayn.

Haddaba hadii ay ka soo rayn waayaan xaaladaha Ethiopia oo xal la waayo Dr Abiy Ahmed Ali waxa u banaan ;

1- In uu u bareero dagaal adag oo lagu kala adkaado oo uu dalka ku maamulo gacan bir ah , dhiig badanina ku daato.

2- Ama In uu kursiga baneeyo oo loo dhiibo cid Ethiopia ku kala badbaado , lana soo dhiso maamul dawladnimo oo dadka Ethiopia ku soo celiya midnimadii , ” Soomaalidu waxa ay ka mid tahay dadka dalka Ethiopia ku kala badbaadi-karo taladooda “.

3- Waa haddi kale In uu tanaasulo oo Tigray wax-waliba oo ay rabaan loo yeello oo Ethiopia inteeda kalena ku qasbanaato caalamkuna sidaa ku garba galeeyo.