Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Akhbaarti Zamaanka Ee Saxaabada .. Noloshi Iyo Qiimihi U Sayid Xuseen RC Ku Lahaa Nabigeeni Maxamed SCW Agtiisa

Thursday - August 26, 2021




Imaam Xuseen Binu Cali Rc wuxuu ahaa mid ku soo barbaaray dhabta khalqiga Alle midkii ugu mudnaa oo ahaa awoowgii Nabi Muxamad scw,wuxuu ahaa mid la cayaara oo laabta galiya oo afka cuntada u galiya isaga iyo walaalkii Xasan bin Cali.

Waxaa sida ku cad Axaadiis tiro badan oo Rasuulka scw ka sugnaatay la soo wariyaa in Xasan iyo Xuseen Rc ay waqti kasta ag joogi jireen rasuulka scw oo ay xiliyada uu tukanayo ama dadka tujinaya ay dusha ka fuuli jireen rasuulka suuban scw kolka uu sujuudo,oo uu suubanuhu sugi jiray oo uu sujuudda ku nagaani jiray jeer ay kastooda oga dagaan oogada rasuulka scw .. Waxaa kale oo dhici jirtay inuu rasuulka scw xambaari jiray xitaa isaga oo salaadda ku jira oo uu kolka uu sujuudayo dhinaciisa dhigi jiray oo kolka uu ragcadda xigta u istaagayana uu hore u sii xambaari jiray,

Xiliyada qaarkood waxaa dhici jirtay in uu Xasan ama Xuseen uu midkood dusha ka fuulo rasuulka scw oo uu misana rasuulka scw sujuudda ku yara nagaado ilaa ay aashooda oga dagtaan, oo uu rasuulka scw ku oran jiray asxaabtiisa raali noqda sujuudda aan ku yara nagaaday waayo inankaygii ayaa gaadiid iga dhigtay.

Xasan iyo Xuseenba rasuulka scw aad ayay u jeclaayeen isaguna aad ayuu u jeclaa oo mar kasta aragtidooda ayuu ku xasili jiray oo xitaa isaga oo fadhiya ayay dushiisa ku cayaari jireen oo ah oogadiisa fanan jireen, kolkaas ayuu nabiga scw oran jiray Alla Muxuu gaadiidkiinu dadka ugu wacan yahay,oo idinkuna aad dadka ugu wanaagsan tihiin.

“Jaabir bin Cabdillahi Rc wuxuu yiri:waxaan u soo galay nabiga scw oo jilbaha iyo gacmahaba ay dhulka u yaalliin dhabarkiisana ku sida Xasan iyo Xuseen isaga oo kula guurguuranaya guriga dhexdiisa oo ku leh Alla Ratigiinu khalqiga u wacanaa oo idinkuna Laba Awr fuusha u wanaagsanidiinaa”.

Waxaa kale oo mar dhacday in nabiga scw oo mimbarka saaran oo khudbeynaya uu sayid Xuseen oo saanta la dhacdhacaya masaajidka soo galay, rasuulka scw intuu mimbarka ka soo dagay ayuu xagiisa u degdegay oo soo xambaaray Imaam xuseen oo dib ugu noqday mimbarkii uu ka khudbaynayay isaga oo xambaarsan Xuseen.

Qof walba oo muslim ah wuu qiyaasi karaa qiimaha uu Imaam Xuseen Bin Cali ku dhex leeyahay umadda islaamka marba haddii uu yahay axadka uu sidaa u qadarinayay Rasuulkii umadda scw.

Waxaa kale oo la soo wariyaa in rasuulka scw uu ooyi jiray ama laga dareemi jiray ilmo indhihiisa ku soo joogsata mar kasta oo uu arko Imaam Xuseen, tan iyo intii uu Malakul jibriil u sheegay in la dili doono sayid Xuseen.

Xadiis uu Abuu dhufeyl warinayo Ayaa waxa uu u dhignaa sidatan:-“Malak Jibrii ayaa u soo galay Nabiga scw oo guriga Ummu-sama Rc jooga, koluu Rasuulka scw u idmay inuu Jibriil gudaha u soo gudbo ayuu ummu-salama ku yiri yuusan qofna inoo soo galin, Markiiba waxaa yimid Xuseen Bin Cali Rc , Umu salama waxay Rasuulka u sheegtay in Xuseen yimid, ka dib rasuulka scw wuxuu yiri iska daa ha inoo yimaadee .. Xuseen markiiba waxa uu qoorta ka fantay rasuulka scw waxa uuna bilaabay inuu ku cayaarayo nabiga scw oogadiisa, jibriil ayaa ku yiri rasuulka scw ma jeceshahay inankan Muxamadoow, Rasuulka scw wuxuu yiri: wallaahi aad ayaan u jeclahay, markaasuu jibriil ku yiri: umadaada ayaa dili doonta oo hadaad doontana waxa aan ku tusayaa kobta lagu dili doono, isla markiiba jibriil Cs intuu gacantiisa fidiyay ayuu cantoobo ciid ah soo qaaday oo siiyay nabiga scw, Rasuulka scw wuxuu u dhiibay ciiddii ummu salama oo ku gunuday hagoog ay lahayd,waxayna ahaayeen kuwa maleeya in ciiddaas karbala laga soo qaaday"•

Waxaa ay riwaayaado kale sheegaan in umu salama uu rasuulka scw u sheegay in maalinta Xuseen la dilo ay ciiddaas guduud dhiig oo kale ah noqon doonto,waxayna ahayd Ummu salama mid eegi jirtay ciiddaas waqti kasta gaar ahaan kolkii uu sayid xuseen Rc ka gilgishay sadbursigii ay reer banuu umaya kula wareegeen xukunka iyo xoolihii umadda islaamka ka dhaxeeyay ee uu u dhaqaaqay dhanka ciraaq isaga oo ku sii jeeday ballan garab istaag oo ay reer kuufa u muujiyeen in ay mashaqada uu ka gadooday wax kala qabanayaan, taas oo markii dambe u muuqatay mid been iyo dhagar ahayd oo intay ku gabood faleen ay garabkiisii baneeyeen shiicadii awal shafka u tumatay inay xaqa ku garab gali doonaan sayid Xuseen,oo sayidka iyo intii la socotayna halkaas lagu gumaaday.
Ummu salama kolkii ay aragtay ciiddii oo gaduud noqotay ayay maalintaa waxay tiri:-‏“Way dileen Alle ha dilo kuwii dilaye, way kadiyeen oo way dulleeyeen Raxmadda Alla ha ka dheereeyo kuwii sidaas falay”.

Intii uu nabiga noolaa scw aad ayuu u yaraa sayid xuseen oo isaga oo wali yar ayaa rasuulka scw la oofsaday, wuxuu xuseen ku dhex barbaaray umaad jecel maadaama ay asxbaatu arki jireen had iyo goor jacaylka iyo tixgalinta uu nabiga scw goor walba u hayay Xuseen iyo walaalkii Xasan.