Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Taclliin Haddi Aanay Jirin Tacadi Sow Mahan .. Afar Mataana Ah Oo U Dhashay Imaaraadka Carabta Oo Mar Qura Ka Wada Qalin Jabiyey Jaamacada Oxford-UK

Sunday - August 29, 2021



Waa Afar mataana ah oo marki ugu horeysay ka qalin jabiyey Jaamacada Oxford kuwaaso magacyadooda la kala yiraahdo Cabdiraxmaan .. Aayah .. Axmed iyo Osman .. Dhamaantood waxay ka soo jeedaan Dubai ee dalka imaaraadka carabta.

Dhalinyaradan 20 jirka ah waxay jaamacadda ku soo biireen 2018, iyagoo kala barteen culuumta Injineernimada, dhaqaalaha, sharciga iyo maamulka dhaqaalaha.

Axmed oo helay natiijada buunddada koowaad ayaa sheegay in nolosha jaamacadda ay si wanaagsan ula qabsadeen isaga iyo walaalahii la mataanka ah isla markaana ay casharro badan oo dhanka nolosha ah kasoo kororsadeen.