Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Dharaarihi Tilmaanaa ..Takhtarki Bakistaaniga Ee Ka Caawiyey Sirdoonka Mareykanka Guriga U Deganaa Bin Laadin Oo Dacwadiisi Bilaabatay

Wednesday - September 15, 2021




Maxkamad ku taal dalka Pakistan ayaa lagu wadaa in ay billowdo dhageysiga racfaan la doonayo in 
xabsiga looga sii daayo Takhtar ku eedeysan in Mareykanka uu ka caawiyay in uu dilo hoggaamiyihii Al-Qaacida Cusama Bin Laden .. Maxkamadda sare Peshawar ayaa maanta dhageysan doonto dacwadda Shakil Afridi, waana markii ugu horreysay oo dacwaddaasi lagu dhageysan doono meel caadi ah oo dadka u furan.

Takhtarkaasi ayaanan waligii si rasmi ah dacwad loogu soo oogin doorkii uu ku lahaa hawlgalkii sanadkii 2011-kii lagu bartilmaameedsaday Bin Laden oo ahaa ninka aadka uu Mareykanka u doondoodnayay .. Dr Afridi ayaa waligii ku doodayay in loo diiday in uu helo caddaalad. Xarigiisa ayaa waxaa ka dhashay muran weyn kaa oo sababay in Mareykanku uu kaalmadii dhaqaale ka jaro dalkaasi Pakistan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sanadkii 2016 xilli uu ku jiray olalaha doorashada ballan qaaday in Dr Afridi la soo dayn doono laba daqiiqo gudahood haddii isaga la doorto, haseyeeshee taasi ayaanan wali dhicin.

In kastoo Takhtarkaasi gudaha Mareykanka looga aqoonsan yahay halyay geesi ah, dadka reer Pakistan intooda badan waxay u arkaan khaa’in waji gebax ku riday dalkiisa. Ciidamada Mareykanka ayay u suurtagashay in ay yimaadaan gudaha dalka Pakistan oo ay dilaan Cusama Bin Laden oo waliba ay meydkiisa qaataan iyaga oo aan wax dhibaato ah arrintaasi kala kulmin.

Dr Afridi ayaa ah dhakhtar ka hawlgali jiray degmada uu qabaa’ilka maamulo ee Khaybar, waxa uuna ahaa madaxa adeegyada caafimaad ee mas’uulka ka ahaa mashruucyo tallaal oo Mareykanka uu maalgeliyay.

Maadaama uu ahaa shaqaale dowladeed, waxa uu billaabay mashruuc dadka looga tallaalayo cudurka cagaarshowga. Meelaha uu mashruucaasi ka fulinayay waxaa ka mid ah magaalada ay ciidamadu deggan yihiin ee Abbottabad, halkaasi oo markii dambe ay caddaatay in Bin Laden uu ku noolaa oo ay ciidamadu ka war qabeen.

Dr Afridi ayaa xabsiga la dhigay 23-kii May 2011, waa muddo 20 maalmood ah ka dib markii la dilay Bin Laden. Waxaa la rumeysan yahay in xilligaasi uu ku jiray da’da afartameeyada.

Wax badan lagama oga nolashiisa gaarka ah balse waxaa la ogyahay in uu ka soo jeedo qoys ladan isla markaana uu ka soo qalin jebiyay mac’hadka caafimaadka ee Kheybar sanadkii 1990. Qoyskiisa ayaa dhuumaaleysi ku jiray tan iyo markii Dr Afridi la xiray, waxayna ka baqayeen in kooxaha mintidiinta ahi ay soo weeraraan.

Xaaskiisa ayaa intii aysan dhuuman ahayd maamulaha iskool ay leedahay dowladda. Dr Afridi ayaa xilligaasi haystay laba wiil iyo gabar, kuwaasi oo hadda ah qaan gaar.