Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Sheydaan Waxaa Naarta Loogu Fogeeyey Waa Kibir Iyo Islaweyni .. Boqorki Namruud Bin Kancaan Bin Koosh Ee Dunida Kaligiis Ka Talin Jiray Oo Alle Kibirkiisi Ku Halagay Diqsi Iyo Kaneeco

Friday - September 17, 2021



Namruud waxa uu ahaa mid ka mida Boqorada ugu waaween ee aduunka soo xukumay,wuxu Alle siiyay xoolo aad u farabadan iyo sharaf intaba, wuxuuna haystay keydad aad u farabadan oo buuxiyay dhamaan qasriyadiisa .. Boqortooyadiisuna kuma aysan koobneen hal magaaalo ama hal wadan, balse wuxu xukumi jiray dhamaan dhulka iyo wixi ku jiraba .. Aduunyo ma soo marin Gaal wada xukuma marka laga reebo asaga iyo mid kale mooyee

Ibnu cabaas waxaa laga wariye inu yiri rasuulka CSW, wuxu yiri "dhulka waxaa soo xukumay afar labo Mu’min ahaa iyo labo Gaal ahaa. Labada mu’minka ahaa waa: Dulqarneyn, iyo suleymaan CS .. Labada Gaalka ahayena waa Namruud, iyo Bakhtanasar waxaana shan ku noqon doona mid kamid ah ahlubeydkeyga”

Namruud boqortooyadiisa waxay le ekeed boqortooyadi nabi Suleymaan CS kaasoo Alle siiyay maamulka dhulka iyo waxa ku jira .. Namruud wuxu ka soo jeedaa Ciraaq wuxuuna noolaa 400 oo sano qasrigiisuna wuxuu ku yaallay ciraaq, waa uu ka waynaa fircoon wuuna ka awood badnaa

Wuxuu Alle caza-wajalla doonay inu soo diro nabigiisa ibraahim xiliga namruud .. Dadku waxay uga iman jireen meel walba wuxuuna siin jiray cuno iyo cabitaan. Qof walboo u yimaado inta uusan wax siin wuxuu weydiin jiray: Yaa-waaye rabigaaga? Ma aaminsantahy inan ahay rabigaaga? ..Qofka baahan wuxu ugu jawaabayay haa waan ku aaminsanahy, markaas ayuu siinayay cuno iyo cabitaan

Namruud naclatullah calayhi wuxuu sheegtay ilahnimo siduu sameeyay fircoon naclatullah calayhi, Dadkana wuxuu ku qasbay iney asaga caabudaan iskuna duleeyaan, Sidaas ayuuna ahaa ilaa maalin uu nabi ibrahim u baahday cuno iyo cabitaan si uu ugu quudiyo ahalkiisa .. Nabi ibrahim CS wuxuu aaday Namruud si uu cuno uga soo qaato, Namruud ayaa dhankiisa eegay wuxuuna ku yiri:Yaa-waaye rabigaaga? Ma aaminsantahy inan rabigaa ahay?

Nabi ibrahim CS wuxu ku yiri “maya rabigay matihid” Namruud wuxuu ka naxay jawaabta uu siiyay nabi ibraahiim CS waayo hore ulama uusan kulmin cid beenisa .. Namruud wuxu ku yiri waa yaab ma waxaad leedahay rabi aan aniga ahayn? Nabi ibrahim wuxu ugu jawabay haa

Namruud wuxu yiri yawaaye rabigaaga? Sifooyinkiisana maxaa kamid ah? Nabi ibrahim CS wuxu ugu jawaabay “rabigee waa kan waxna dila waxna nooleeya” Namruud wuxu yiri taas waa wax aad iigu fudud anba waxna waan dilaa waxna waan nooleeyaa anaana ka fiican rabigaaga .. Nabi ibrahim wuxu ku yiri side wax ku dishaa waxna ku noolesa? Namruud wuxu ciidankiisa faray iney u keenaan laba nin oo dil ku xukunaa, Mid ayuu dilay midka kalena waa uu cafiyay wuuna sii daaye. Markasu nabi ibrahim ku yiri sooma aragtid inan waxna dilo waxna nooleeyo anaana rabigaa ka fiican,Wuxuu yiri muxuu kalo rabigaa sameeyaa?

Alle ayaa nabi ibrahim u tilmaamay ereyo namruud xujadiisa burburisay gebi ahaana mugdi gelisay. Wuxuuna ku yiri: “Hadii ilah-nimada aad sheeganeso dhab tahay rabigee wuxu qoraxda kasoo bixiya bariga bal adigu kasoo bixi qorax dhac/galbeedka” Sidaas ayuuna nabi ibraahim dadka ugu caddeeyay beenta iyo baadida namruud mana uusan ka jawaabi karin dalabkiisa

Waa uu aamusay wuxuuna yiri caro iyo wareer awgii: halaga saaro qasrigayga, Nabi ibrahim waauu ka tagay asoon wax cuno iyo cabitaan midna uga soo qaadin cidiisa taasoo uu awal ugu yimid, Wuxuu laabtay asoo murugsan oo gacan maran.

Halaagi Ku Dhacay Boqor Namruud:
Alle Marku arkay heerka kibir u gaaray Namruud, wuxuu usoo diray ciidan balse cidina ma maleysaneynin ciidanku alle soo diri doono .. Alle wuxu usoo diray ciidan isugu jira Diqsi iyo kaneeco waana kuwa ugu tabarta yer alle khalqigiisa, si uu namruud u tuso tabar daridiisa iyo tabar darida ciidankiisa .. Xasharaadkii waxey buuxiyeen hawada ilaa qoraxda ay ka qariyeen tira badnidooda awgii

Aduunyadii ayaa mugdi ku noqotay namruud iyo ciidankiisa wuxuuna alle ku saliday kaneeco waxee cuneen hilbaha ciidanka dhiigiina wee cabeen waxee kaso reebeen lafo burbursan wuxu alle amray kaneeco kamida waxee sanka ka gashay namruud mudo dheer ayeena maskaxda ugu jirtay, mana dhimaneso mana kaso baxeso si walboo uu isugu dayay inu iska saaro

Taasna waxey aheyd ciqaabka uu alle ku ciqaabay adduunyada .. Madaxiisa ayuu garaacayay xanuun iyo xanxanto awgii, wuxuu sameeyay qaab walba uu isaga saaro kaneecada si uu isaga reebo dhibkeeda Dadka la jooga wuxu ka dalban jiray iney madaxa ka garaacaan .. Dhibkaas iyo dulinimadaas ayuu ku jiray illaa uu alle ka halaagay oo nafta ka qaaday

Hadaan u imaano namruud abtirkiisa wuxuu ku laabtaa nabiyullahi nuux CS, namruud casrigiisuna wuxuu ka dambeeyay casrigii maanshoodka kaasoo dhacay casrigii nabi nuux CS .. Waana namruud binu kancaan binu kowsh binu xaam binu nuux