Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Nabigeena Maxamed SCW Waxaa Laga Soo Wariyey Inu Amray In Jiirka La Dilo .. Maxay Tahay Sababta Cilmi-baarayaasha Aduunka Ay Daawooyinka Ugu Tijaabiyaan Jiirka

Wednesday - September 22, 2021




Jiirku waxa uu ka mid yahay boqortooyada xayawaanka (Animalia), bahda laf-dhabarleyda ah gaar ahaan bahweynta naasleyda , sidoo kale waxa uu ku jiraa qoyska ballaaran ee xayawaannada leh labada fool ee hore ee waa weyn, kuwaas oo ay kamid yihiin: Jiirka, Bakaylaha, Caana-qubta iyo Dabagaalaha. Bahda Cilmiga saynisku waxay ugu yeeraan (Rattus) .. Asal ahaan waxaa la aaminsan yahay inuu jiirku kasoo jeedo, qaaradaha Aasiya iyo Ustareeliya, balse wakhti xaadirkan laga helo adduunka oo dhan, guud ahaan jiirka waxaa looqaybiyaa laba nooc mid duurjoog ah iyo mid dabjoog ah, badanaa ka dabjoogta ah ayaa ka cimri dheer ka duurjoogta ah.

Luuqadda ingiriisida waxaa loogu yeeraa (Rat) Afka Soomaaligana Jiir ama Doolli. Cimriga jiirku waxa uu gaaraa 1 sanno ilaa 3 sanno , dhererkiisuna 12 sentimitir, halka uu culayskiisuna gaaro 1.5 kiiloo garaam. jiirku waxa uu leeyahay 16 ilkood, sidoo kale sidkiisu waxa uu gaaraa 21 ilaa 26 maalmood. 

Jiirku waxa uu kamid yahay xayawaannada leh dhiigga diirran. Jiirka dabjoogta ahi waxa uu badanaa ku nool yahay meelaha qarsoon ee ay cimiladoodu diirran tahay, jiirku maalintii ma soo baxo oo waxaa uu qaraabtaa habeenkii isagoo cuna waxyaabaha kasoo jeeda dhirta iyo xayawaanka. Aragtida jiirku waa daciif oo waxa uu aad ugu tiirsan yahay dhanka maqalka, jabaqda iyo urinta. jirka jiirka waxaa loo qaybiyaa saddex qaybood Madax, uurku-jir iyo qaar danbe.

Noocyo kamid ah jiirka biyuhu ma liqaan, oo waxa ay dabaalan karaan masaafo dhawr mayl ah. Waxaa jira xiriir ka dhaxeeya dadka iyo jiirka maadaama oo uu yahay xayawaan dadka la nool ama meesha ay joogaan laga helo, sidoo kale labaduba waxay ku jiraan bah-weynta naasleyda leh dhiigga diirran, sidoo kale waxay isaga dhaw yihiin xubnaha jirka gudaha qaarkood sida Beerka iyo Wadnaha, habka dareenka jirku uu ushaqeeyo iyo isu dhawaanshaha tirada hiddo-sideyaashooda, dadku waxay leeyihiin 46 hiddo-side, jiirkuna 42 hiddo-side waana sababta markasta dawooyinka la soo saarayo ama cilmi baarisyada ay sameeyaan dhakhaatiirta adduunku ay ugu tijaabiyaan jiirka.

Qaybo kamid ah dalalka caalamka waxaa caado ka ah cunida hilibka jiirka in kasta oo aad looga dayriyay wakhtiyadan danbe inaanu habboonayn, sababtoo ah cunida hilibkiisa waxaa laga qaadaa noocyo kamid ah bagteeriyooyinka halista ee ay kamid tahay (Salmonella bacteria)

Markaynu eegno diinta islaamku siday qabaan badi culimada islaamku, cunida hilibka jiirku waa xaaraan. Ugu danbayntii jiirku waxa uu kamid yahay shan xayawaan oo nebiga SCW laga soo weriyay inuu amray in la dilo, haddii xaramka lagula kulmo iyo haddii kalaba.