Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Dharaaro Xasuustood .. Xaaladi Tobanki Maalmood Ee Ugu Dambeysay Xukunki Siyaad Bare ( The Last 10 Days Of Siyad Bare)

Wednesday - September 29, 2021




Soo Yaalka Taariikhdu waa sheeko iyo taxane soo yiily .. Taariikhdu waa macallinka fasira dhamaan nolosha isla markaana saadaal quman ka bixiya mustaqbalka dhaw iyo kan fog-ba .. Tobanki maalmood ee Maxamed Siyaad xukunkiisa ugu dambeysay waxay Villa Somaliya ku jirtay xaalad mugdi, murugo iyo maalmo madow .. Maalmahaas Maxamed Siyaad iyo sanooyinki dambaba in isaga cidina rabin oo kuwi la soo taagnaa Siyaadow jaceyl baa lagu qaba u faro-marnaan ka joogo, laakiin wuxuu wax sii xaqiiqsaday markay fadaroowday nabadi ee higtu yeertay fooda lays daray, Ragi isku haleynaayey xaska dabada galiyeen, kadib fagaxdi iyo fahda orodki iyo durduradi dhacday nin la jiray iyo nin ka jiraba iyo mid guulwadeynti lagu meeleeyey-ba si toosa ayey uga dhaqaaqeen oo taas ceebteena ma ah, balse munaafaqada dadkeena qaarkiis ayaa inta badan sidaas ah. 

Sidi loo joogay caasimadi mogdisha goor fiida ay shar iyo kheyr kala caraabeen ayaa mar qura magaaladi dad Ayax ah lagu soo hurgufay .. Naxdin dar-dar leh timi iyo Jabhado duulaan ah, Col gur-guuranaaya iyo Masiibo qabiil ayaa guud ahaan somaliya gees ka gees sidi shidaal ololaaya is qabsatay, gar ahaan waxay besha Hawiye damacooda markaas u halgamayeen sidi ay ku kufsan-lahaayeen kursiga madaxtinimada somaliya, sidaa darteedna waxaa bulshadi mogdisho laga dhaadhiciyey shar qabiil, oo waa la yaabay guuxa iyo gariirka maalmahaas bulshadaas ka baxeysay waxaa la moodaayey Kaare cartamaya oo cadaw cudud leh cagta marinaaya, waxaa bilaamatay fal-falxumo ay ku kacayaan Dugaag Ayax dhalay iyo aboor is wata oo sarwaalka iyo nigiska dadka ka siibaaya, waxaa bilaabatay ereyo ah war hayaay haybta daarood saara iyo colaad iyo fitno duufaano oo kale ayaa sidi daadka roobka meelkasta xaluushay, illa maleeshiyaad marki dambe dabada laga soo qanjiiriyey la soo basbaaseeyey ay darbigi Villa somaliya ka soo daataan .. waa la caabiyey oo waa la caabiyey, xitaa baryo Yaasiina waa la akhriyey, laakiin maleeshiyaadkaas oo marqaansana waa sii afar-qaadeysay kamana ay hakan wixii rasaas la afuufaayey, balse si mitid fajiciso ah ayey u dagaalamayeen.

Dhinaca kale yaabka la arkay iyo xishood laga tagay iyo bareer aan meelna loo food saarin, waxaa magaalada ka socotay anshax xumo dhamaanteed iyo dabino la soo shaqlay oo lagu baacsaday dilka lagula kacayey bulshada beesha daarood kuwaaso marki dambe inti dhimatay mooye wixii ka badbaaday afarta gar-jaho u kala carareen oo maarmi-waa dhacday, sido kale shiini Cayr ah ayaa goobihi ganacsiga ku degay oo wax allaale iyo waxay ka tagayaan ma jirin .. waxay xanbaarteen xaaluf ka dhigeen khasnadihi Bangiyada dawlada iyo kuwi gaarka loo lahaa illa ninki xoorka dhami jiray gaajo darteed xaabo wareejiyey .. imisaa dagaaladaas ku lumay duunyo iyo xoolo, imisaa saqiir dalambaabaya iyo dumar ku aafoobay. 

Amuurta la yaabka lahayed waxay ahayed marki Yam-Yam iyo Qadaad-weyn iyo Raxan-weyn la duufsaday oo ay ku soo biireen weeraradi iyo umul dooxi qabaaiilka Daaroodka oo marki la weydiiyey kuwa iyaga oo la moodaayey dhaqan yaqaan iyo waayeelo xaq yaqaan la yiri: Oo Daarood waa idinka dilaye muxuu idin dhimay? waxay ku jawaabeen: Hadhow waxaa nala leeyahay Kacaanka cusub ayaad ka harteen oo saas baan idin dileynaa .. Saatirow Allow naga samata-bixi siyaasiga iyo suldaanka suudka u gashaday colaad sokeeye 

Maxamed Siyaad Barre, oo sidiisaba geed adeyg u dhashay, waqtigaas ma cataabin oo wuu micio adeegay waayo waa u ogaa iney u dhamaatay .. xiligaas afka juqda gabay surin walbana waa ka soo xirmay, hasa ahaate markaan dhabti ayuu arkay oo halku talo iyo amar ka bixin-lahaa iyo wixii zamanki qaraamiga u dhigi jiray xeelad qorsho dagaal iyo dabino, wuxuu markaan door biday aamuusnaan iyo inusan xiix oran, xiligaas waxaa ku soo dhacayeey dhambaalo kooban oo loogu sheegaayey xaalada sharka, dilka iyo rabshadaha magalada ka socda, wuxuuse mararka qaarkood isago isha dabaaya, hurdo la'aan hamaansi indhuhu casaadeen si quus kaga jawaabaayey: Waa laygu gardaronaya, waase yeelkood wixii aan u dhisay haddey rogayaan iyo ereyo aniga maxaa layga raba oo aan dhimay, waxaan sal iyo baar midna aan lahayen baa laygu nabaya, maxaase aan gaasiray waa aniga wax kasta u qabtaye iyo isago markaas aaminay in xaaladaan taagan wax laga qaban karo aysan jirin, sidaa darteedna wuxuu u muuqday nin isu diyaariyey iilka iyo xabaalaha iyo sidi nin wadkiisi galay wuxuu iska jeclaaday inu goobta u joogo ku dhinto, laakiin ku tala galkaas Eebe ma ajiibin oo wey u socn-weyday, balse intaan aqalku ku dumin, waxaa halki si jajuuba kaga soo saaray ciidan u watay General Gani Iyo Morgan .. 

Waxaa xusid mudan in maalmahaas saraakiil milatari oo walan-waalinaaya qorsho dagaal ay maxamed siyaad u yimaadeen oo weydiistay in shacabka gadoodsan ku garaacaan gantaalada BM iyo Artilleri, isla-markaana dumiyaan hoteelo u ka mida ahaa Hotel Tawfiiq oo laga waday hawlgalka USC, laakiin waa u ka diiday oo wuxuu yiri: ma rabo beelo fooda la isu galiyo oo Awl-baad hargeysa ka fuliseen xaajo fal nacasa aan loo baahneyn ee idin ka yeelimaayo mogdisho iney sidaaso kale noqoto, taaso keentay in saraakiishi ay si haleel ah dalki uga carareen oo galeen xadka kenya .

Ugu dambeyn xaaladu waxay mareysay halki la lahaa "Hal la qalay raqdeed-baa lagu soo qamaamo, qalalaasihi baa nin-ba qurub haleelo laba waliba qaybtood qoraxdey ku dubato qolof-tiyo lafti baa lagu liqay qaleeyl" ..  Siyaad Bare marki arintu ku cuslaatay hiil iyo hooba waayey balaayo ayuu ku habaaray wixii soo qorsheeyey iyo wixi khaas ahaan fuliyey fajacaas  .. kadib bishi 26-janwery 1991 qoraxdu markay aroorta dhulka soo abaartay, wuxuu cagta saaray wadadi aadeysay Jubaland illa u tagay magaalada Kismaayo, maalin kadibna wuxuu u si gudbay magaalada Garbahaarey, wuxuu maalmo ku hakaday degmada Buur-dhuubo, waxaa la sheegay inu su'aal ku yiri: gadoodkaan burburka wata yaa hogaaminaaya, waxaa lagu yiri: waxaa wata jeneral Caydiid, wuxuu yiri: Waraabe ayey hogaan ka dhigteen, Caydiid sidaan ku ogaa damiir canaanta iyo dareen wax u sheega midna kuma ogeyn, ma ahayen nin hogaamin iyo garasho loo daba fariisto ee Good bye, isagoo hadalki si wata wuxuu yiri: haddu hawiye halis galinaaya, haddey Hawiye nabadi ka dhooftay oo wuxuu Caydiid ku dhameynaya sidu hadba buur isugu qaadaayo .. wuxuu yiri is badal-doon markaad tahay awoodaada oo dhan laguma dumiyo wixii dhisnaa, laakiin wixii dhisan baa wax lagu dara.
Kadibna waa Siyaad Bare wuxuu kenya ka galay xaga Mandheera, maalmo kadibna waxaa loo dhoofiyey dalka Nijeeriya oo halkaas allaha ha u naxariiste albaabka waxaa u taagnaa Malaga-mawtka qabriga iyo dhimashada

Tifaftirha Shabakada Wararka Ee Galdogob Times: Maxamed Calixaashi ( Ina Cadaawe)
              


hits Hits : 2620