Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Abuurista Alle Waa Cajaaiib .. Cajaaiibka Sida Ay Fiidmeerta U Abuuran-tahay

Friday - October 8, 2021




Fiidmeertu waxa ay kamid tahay boqortooyada xayawaanka bahda laf dhabarleyda ah, gaar ahaan bahweynta Naasleyda ..  Bahda cilmiga saynisku waxay ugu yeeraan Chiroptera. Waxay isku raacsan yihiin taariikh yahannada baara cimriga xayawaanku in ay fiidmeertu tahay noole qarniyo badan jiray, taas oo dhulkii ugu horreeyay ee laga helayna ay ahayd qaaradda Ameerika. 

Fiidmeerta cimrigeedu waxa uu gaaraa 16 sanno, waxa ay leedahay 38 hiddo-side. Sidkeedu waxa uu gaaraa 42 illaa 63 maalmood, iyadoo ku qaangaarta 3 ilaa 4 todobaad.

Fiidmeertu,waxay kamid tahay xayawaannada leh dhiigga diirran, kuwaas oo wax quuta maalintii amase fiidka hore, badanaa waxa ay quutaan cayayaannada duula .. Fiidmeertu waxay leedahay ilko. Waxaana jira in ka badan 1,400 oo nooc oo fiidmeer ah, kuwaas oo ku kala nool daafaha kala duwan ee qaaradaha dunida. balse guud ahaan waxaa loo qaybiyaa saddex nooc kuwaas oo kala ah: Qaar cuna miraha, Qaar cuna cayayaanka iyo Qaar quuta dhiigga dadka amase xoolahaba , sidoo kale waxa jira noocyo kale oo gooni ah, kuwaas oo laga helo dhulka soomaalida laguna magacaabo (Somali sirotine) iyo (Neuromicia somalica), sida uu cadeeyay xeel-dheere u dhashay dalka ingiriiska oo dhulka soomaalida yimi sannadkii 1901dii.

Fiidmeertu waxay leedahay laba naas oo ku yaala laabta sare ee jirkeeda, badanaa fiidmeerta caalamka ugu badan waxaa laga helaa bariga Aasiya. Fiidmeerta waxa ay hoy ka dhigtaan buuraha, kaymaha isku cufan ama dhismayaasha gaboobay ama laga guuray.. Indhaheedu waa daciif oo waxa ay wax ku dareentaa jabaqda, waxay u nooshahay si koox koox ah. Waxa ay seexataa iyadoo hoos u foorarta amase lugaheeda meel sare Kusoo qabsatay ama kasoo laad laada (upside down). Fiidmeerta waxa ku dhaca cuduro badan kuwaas oo ay qaar kamid ahi u gudbaan dadka iyo duunyadda kalaba. xanuunnada halista badan ee ibna aadamka, ku sababay dhimashada badan ee laga helay Fiidmeerta waxaa ka mid ah: Fayraska ebola, Fayraska marbung, Fayraska Sars, Fayraska mers iyo Fayraska Covid 19, oo ilaa iminka dunida ka sahayday in ka badan 2 milyan oo qof.

Ugu danbayntii fiidmeertu waxay sida bani-aadamka oo kale heshaa dhiigga billah ah, siday ay sheegtay diinta islaamku, isla markaana uu cadeeyay cilmi baare ku takhasusay habka taranka ee fiidmeerta, kaas oo wax ka dhiga jaamacadda (Newyork). 
Labadan qaybood ee fiidmeerta ka midka ah, kuwaas oo hela dhiigga billaha ah, waxa ay kala yihiin nooca leh dibka (Tail bats) iyo nooca uu sankoodu u samaysan yahay sida caleenta oo kale (leaf-nosed bats) .. Waxa jira ururo badan oo udooda xuquuqda fiidmeerta kuwaas oo xarumo kala duwan ku leh daafaha dunida. waxaana ugu weyn ururka caalamigaa ee la lagu magacaabo ururka caalamiga ah ee ilaalinta fiidmeerta (Bats conservation international), Ururkan waxaa la asaasay sannadkii 1982kii wuxuuna ku yaalaa dalka Mareekanka, gaar ahaan gobolka Tagsis. Kaas oo ay xubno ka yihiin dalal ka badan 58 dal. sidoo kale waxaa jirta maalin caalami ah oo aduunka laga xuso maalinta Fiidmeerta taas oo ah 17 bisha afraad ee sannad kasta, taas oo looga dabaal dego meel badan oo caalamka ka mid ah.