Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Cajiib .. Magaalo Aysan Fuqarada Iyo Masaakiinta Ku Gaajoonin

Saturday - October 16, 2021



Qaraaqootshaan waa magaala dhacda wadanka  Turkiga, waxaana magaaladan kajira arimo cajiib ah oo kusoo jiidanaya, taas oo ka tarjumeysa karamka iyo deeqsanimada dadka degan magaalada.

Waxaa magaalada ka furan maqaayado badan oo laga cunteeyo, kuwaas oo si lacag la’aan ah ay wax uga cuni karaan dadka fuqarada ah ee aan heysan dhaqaale ku filan.

Muxamed waa milkiilaha maqaaxi weyn oo ku taalla bartamaha magaalada Qaraaqootshaan, wuxuu sheegayaa in 35 sano oo xiriir ah ay maqaayadiisa ka cunteeyaan dadka aan waxba heysan, wuxuuna leeyahay ” Saddex miis ayaan u gaar yeelay dadka fuqarada ah, way imaanayaan, waxay doonaan ayayna dalbadaan”.

Dadka fuqarada ah waxay cuni karaan wax weliba oo maqaayada yaala, sida kalluunka, Digaagada, Bariiska, Saldaado iyo kuwa kale, waxaana loola tacaamulaa qaab sharfoon oo aan bahdilaad lahayn.

Milkiile kale oo isagana leh maqaayad weyn ayaa sheegaya in dhaqankan wanaagsan ay ka barteen Awoowyaashooda, iyaguna ay waajib isaga dhigeen iney sii wadaan.

Waxaa jirta arin kale oo aad kuusoo jiidaneysa, taas oo lagu ilaalinaya qalbiga qofka aan waxba heysan  ee maqaayada ka cunteeyay, arintaas waxay tahay in qofka marka uu soo istaago goobta lagu bixyo lacagta uu oranayo keliya waxaan ka tirsanahay guutada lixaad.

Guutadan waxay leedahay taariikh soo jireen ah sida ay sheegayaan dadka dega magaalada, waxaa guutada lixaad loogu yeeri jiray farda fuuladii Khaliifka Cuthmaaniyiinta, kuwaas oo loo diidi jiray iney ku dhex milmaan dadka, kuna mashquulaan arimo ganacsi iyo waxyaabaha lamidka ah.

Kuma koobna oo keliya gacan furnaanta kajirta magaalada Qoraaqootshaan iyo sida ay dadku isaga war hayaan intan, waxay maqaayaduhu sameeyaan munaasabadaha ku weyn dadka muslimiinta in si bilaash ah ay dadku uga  cunteyn karaan maqaayadaha, sida maalmaha Ciidaha.

Dadka muslimiinta ayaa leh dhaqan wanaagsan, oo aysan lahayn dadka diimaha kale heysta, waa bulsho isku tiirsan kooda hodanka ahna uu ka war hayo midka saboolka ah.