Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Wax Ku Qaado Waanada .. Habeenki Rasulkeena SCW Samada U Dheelmay Iyo Wixii La Tusay Dad Wixii Aduunkii Ay Ka Shaqeysteen Abaalkeedi La Mariyey Kadib Markay Dhinteen

Wednesday - October 20, 2021



Habiinkii "Laylatul Israa" markii uu Rusulkeenu SCW, samada u dheelmay isga oo Malak Jibriil la socdo, waxa la tusay Dad wixii aduunkii ay ka shaqaysteen abaalkeedii la mariyay ka dib markii ay dhinteen. 

Sida culimo ay ka mid-yihiin Al-Bayhiqi iyo Ibn Jariir inoo soo gudbiyeen, aragtiyahaa Rasuulka SCW, la tusay ee uu inoo soo tebiyay, ujeedadeedu waxa weeye inaynu wax ku qaadano. Waa waano Ilaahay, Subxaanahu Wa Tacaalaa, ka timi oo uu inoo keenay Rasuulkii runta iyo raxmaddu .. Bal Ilaahay haynagu anfaco eh, aan tusaalooyinkaa qaar ka soo qaadno.

Dheelmitaanki Rasuulki SCW wuxu arkay Dad dhagxan waawayn madaxa laga saarayo oo dhulka ku dhacaya. Hadana soo kacaya; hadana dhagaxii la saarayo; hadana dhulka ku dhacaya. Falkaasna lagu celcelinayo .. Rasuulki CS Jibriil ayuu weydiiyay oo ku yiri “Waa maxay dadkani?” Jibriil wuxu ku yiri: Waa dadkii aan tukan jirin ee aan salaad foodda dhigin.

Rasuulki SCW, Hadana wuxu arkay Dad jeex yar oo Maro ah, oo caarkooda uun qarinaya, inna xagga hore saaray inna xagga dambe, oo ku foofaya dhirta naarta iyo dhagaxeeda sida xooluhu ugu foofaan geedaha .. Rasuulki Jibriil ayuu weydiiyay oo ku yiri: oo maxay ahaayeen kuwaana? Wuxu ku yiri: Waa kuwii aan xoolahooda Sekeda ka bixin jirin.

Hadana Rasuulki CS wuxu arkay Dad luqantoodu tan Geela oo kale tahay oo inta afka loo kala qaado lagu qulaaminayo dhagaxan naar ah, isla markiibana inta ay qayliyaan dabada ka sii daynaya. “ Rasuulki ayaa yiri oo kuwana Jibriil .. Waa kuwii xoolaha agoonta dulmi ku cuni jiray.” Ayuu u sheegay Jibriil.

Sido Kale Hadana Rasuulki SCW wuxu arkay Dad calooshoodu tahay sida guryaha oo kici kari la’. Markay kaca is yiraadaana dib u dhacaya. “Kuwana waa kuma?” Ayuu ku yiri Jibriil. “Waa kuwii Ribada cuni jiray,” ayuu ugu jawaabay.

Rasuulki CS Hadana wuxu arkay dad dibnaha lagaga jarayo Maqas xadiid ah. Marka la jaro ka dibna, sidoodii ku soo noqonayaan dibnihii. Hadana la jarayo. Sidaasna lagu celcelinayo. “Kuwana waa kuma?” Ayuu weydiiyay Jibriil. “Waa kuwa hadalkoodu fidnada kiciyo,” ayuu ugu jawaabay.

Hadana Rasuul SCW wuxu arkay nin urursaday Rar weyn oo aanu qaadi karayn; hadana leh ha lay soo kordhiye. “Kana muxuu sameeyey?” Ayuu weydiiyay Jibriil. “Waa nin ummadaada ka mid aha oo Amaana sida oo qaadi kari la’ hadana doonaya in loo kordhiyo,” ayuu ugu jawaabay  .. Alahayow na nabadgeli oo nicmadaada naga dhawr.