Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Sheeko Xikmad Xambaarsan .. Bakeylihi Dhagoolaha Ahaa Ee Yoolkiisa Gaaray

Wednesday - October 27, 2021



Beri baa la yiri waxaa tartamay Bakeylayaal fara badan iyagoo loo dhigay tartan ay ku galayeen kii ugu hor kori-lahaa buurta dheer fiinteeda .. Hadaba tartanka waxaa daawanaayey dad fara badan oo ku buuqaayey qaylo dheer oo buuqi iyo qayladiiba waxay niyad jabiyeen oo tartanki ka haray qaar badan oo bakeylayaashi ka mida.

Laakiin Mid ka mida Bakeylayaashi ayaa gaaray halki loo tartamaayey oo buurta fiinteeda ahayed .. Dadki oo dhan ayaa is weydiiyey sababta u Bakeylahaan ku gaaray yoolkisa, waxaase la ogaaday inu ahaa Bakeyle dhagoola ah oo aan buuqaas iyo qayladi dhaceysay aan wax waraba u hayen.

Hadaba Xikmada sheekadaan laga qaadan-karo waxay tahay haddi aad dooneysid in aad gaarto yoolkaada ama halka aad higsaneyso waa inad ka fureysato dhagaha dhamaan kuwa isku dayaya iney ku niyad jabiyaan ama mar walba jaceyl  ku dhalilaan .. Ogoow qof ma jiro horumar gaara illa dadka noocaas ah aad dhagaha ka fureysato