Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Fahad Yaasiin Waa Nin Aan Horti Hooyo Dhalin Rag Ka Tagay .. Haadka Dhacaya Iyo Fahad Yaasin Oo Markale Noo Soo Wada Madaxweyne Ah "Rabi Khalaq Waa Dalaq" .. Maxay Madaxweyni-nimo Dhimatay

Sunday - November 14, 2021



Caweysin Wanaagsan idil Ahaantin-ba Ee aan idin Waramo .. Warar loo qaateena oo si gaara ugu sir warantay wargeyska Galdogob Times oo codsaday inaan magaciisa la baahin ayaa tilmaamay in ninka la yiraahdo Fahad Xaji Yaasiin ee lagu tilmaamo xag jirka is qariya, oo iminka ku magacaaban la taliyaha madaxweynaha xaga nabadgalyada u inti muddaba baadi-goob ugu jiray sidu u heli lahaa shakhsi illa xad ka gadmi-kara guud ahaan shacabka somali oo noqda madaxweyne un dhex seexda Villa Somaliya amase sida Maxamed Farmaajo oo mooda in madaxweyna-nimadu tahay madaxtooyada oo la dhex seexdo, halka Fahadna hadda u libaax ka yahay oo ka faaiideystay dhoohanaanta Farmajo u waliba ka sii libaax-sanaan-doono marka kan dambe u soo malmaluuqaayo .. dhinaca kale Rooble waxaa lagu yiri Sidaa may-isku qabnaa mise waa qasanaa oo durbaan-beenaad ummada ma u garaacna .. waxaa lagu heshiiyey Tuke ha iska qalaado

Shakhsigaan warka bixiyey ayaa sida u sheegay dhawr jeer oo kala duwan kulan la yeeshay Fahad Yaasiin waxaana sida u sheegay dhex maray faaqidaad la xariirta aragtida doorashada madaxweynaha soo socda .. Waa sida u sheegaye ninka waramaya waxuu yiri: Fahad tiro intaan xusuusanahay iyo inti aan wada hadleynay illaa labo jeer wuxuu ii weydiiyey aragtida shacabka xaga shakhsiga ay la rabaan inu noqdo madaxweyne iyo sido kale waxa laga qabo Maxamed Farmaajo inu dib isu sharaxo .. Su'aashaas waxaan uga jawaabay in dhaqanka somali badanaa ay irbad qabyaaladeed ku wada mudan-tahay dirxi hoosta kaga jira, oo wax walba ay ku saleeyaan qabiilka amase-ba ay markasta jeclyihiin iney arkaan wajiyo cusub, taaso Fahad xaga jawaabteyda si weyn madaxa u ruxay ayuu yiri

Ninkaan warka sheegay oo la weydiiyey mawqifka markaan u Fahad Yaasiin ka qabo Maxamed Farmaajo, wuxuu tilmaamay in hadalada Fahad ay uga baxeen inu xaga sharaxaada Farmajo u ka rajo dhigay taaso u ku saleynaayey in shacabka aan markaan si Farmajo looga gadi-karo aan la garaneyn, isla markaana beesha Hawiye sida ay u dhan yihiin hortaagan, balse u aqoonsan-tahay maxamed Farmaajo inu yahay nin cunaha qabtay.

Mar kale oo si xog ah wax laga weydiiyey ninkaan warka bixiyey ayaa sheegay: in Fahad Yaasin u yahay doqon ma waaye oo markaan u Sadex nin jeebka ku haysto oo u rabo la tashi kadib inu sharaxaadooda kala doortro, waxaana sadexdaa mid ka mida u ka iimaanaayo dhinaca Reer waqooyiga gaar ahaan xaga isaaqa, iyo labo u dhalatay beesha Hawiye, waase u ka gaabsaday inu magacyadooda dhabo .. warkaas waxaa u si raaciyey oo yiri: malahayga sharxaadaas waxaa ku lug leh Mareykanka oo dawlada Qadar adeegsaneysa, taaso mareykanka u markaan doonaayo inu somaliya si gaara dib gacanta ugu dhigo kana dhigto dhul istaraatiiji ah oo u ku caburiyo Turkiga Iyo Shiinaha