Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Sheeko La Yaab Leh Oo Dalka Israaiil Ka Dhacday .. Qof Ka Shaqeeya Nadaafada Guriga Wasiirka Difaaca Oo Noqday Basaas Iran

Friday - November 19, 2021





Israel ayaa basaasnimo ku eedeysay qof ka mid shaqaalaha nadaafadda ee guriga wasiirka difaaca Benny Gantz, ayada oo sheegtay inuu yaboohay inuu ka jaajuuso wasiirka, isaga oo matalaya “qof xiriir la leh Iran.”

Bayaan ay soo saartay ayey hay’adda amniga gudaha ee "Shin Bet" ku sheegtay in qofka la tuhunsan yahay oo lagu magacaabo Omri Goren uu la shaqeynayey qof ay ku xiriireen baraha bulshada oo wakil ka ah Iran.

Waxay intaas ku dartay in Omri Goren uu siiyey sawirro laga qaaday guriga wasiirka si uu ugu caddeeyo inuu awood u leeyahay inuu xog heli karo, islamarkaana uu soo jeediyey inuu virus sirta xada ku xiro computer-ka Gantz.

Shin Bet waxa ay sheegtay in tuhmanaha, oo shaqooyin nadaafad iyo adeegyo kale ah ka qabtay guriga wasiir difaaca Mr. Gantz, lagu soo oogay dacwad basaasnimo, isaga oo la horgeeyey maxkamad ku taalla magaalada Lod, oo ku dhow magaalada Tel Aviv .. Shin Bet ayaa ku warrantay in Omri Goren la xiray kadib baaritaan la sameeyey horraantii bishan. 

Xafiiska Difaaca Dadweynaha, oo qareen u qabtay Omri si gacan loo siiyo, ayaa ku dooday inuu sidan u sameeyey "dhibaato dhaqaale darteed" ee ujeedkiisu aan aheyn inuu dhaawaco amniga qaranka. 

Gal Wolf, oo ah qareenka matalaya Omri, ayaa sheegay inuu doonayey un inuu lacag helo isaga oo aan dhab ahaan fulin ficil basaasnimo. 

Bayaanka ay soo saartay ayey "Shin Bet" ku sheegtay in inkasta oo Omri uu khatar ku ahaa amniga qaranka, haddana “uusan gacanta ku dhigin sir culus, oo aanu u gudbin qofka kale ee uu la shaqeynayey.”

Omri oo 37 jir ah ayaa la sheegay inuu leeyahay taariikh xabsi, ayada oo afar goor la xiray 2002 illaa 2013, oo ay ku jirto mar loo xiray inuu u dhacay banki.

Taariikhda dambiilenimo ee Omri ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida qof noocaas ah uu shaqo uga helay guriga wasiirka difaaca.

Hay'ada Shin Bet ayaa sheegtay inay billowday dib u eegis gudaha hay’adda ah oo ku saabsan qaabka loo hubiyo taariikhda iyo sooyaalka dadka laga shaqaaleysiiyo guryaha madaxda sare