Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Qasantaye Maxaa Haray .. Dalki Waa Qasan-yahay .. Sharcigi Iyo Cadaaladi Oo Maanta Si Toosa Good Xaara Lagu Riday .. Qaylo Dhaan Ka Timi Boobka Doorashada Iyo Sidaan Miyaan Raali Ka Ahaan-Karna

Thursday - November 25, 2021




Talo Faro Ka Haaday, oo waxa daah saarneyn in somaliya ay mareyso marxalad adag .. waxa socda waa doorosho boob iyo beelo fooda la isu galinaayo, balse ma aha doorosho ee sharaf dhac iyo in si bareera loo quusiyo shacabka , waxaa kalo wax laga xumaado ah in tartanka doorashada loo diido guddoomiyihii hore ee baarlamanka Soomaaliya Prof Maxamed Cusmaan Jawaari oo la ogyahay waxa uu u soo taray dalka, halka shaqsiyaad eedeysanayaal ah qasab kuraas lagu saaray  .. Sharcigi iyo dastuurki dabada laga tuuray taaso keentay in Shacabki dibad iyo gudo joogay waxaa ku dhacay Af kala-qaad iyo naxdin awgeed in ay calooshu socoto ku dhawaaday

Meesha wax ka socda waa caqliga dameeraha .. Doorasho tartankeeda loo diiday Prof Jawaari oo ah geesi lagu yiqiin inusan hadalka marinkiisa ka leexan, wuxuu ahaa nin dalka inta la ogyahay wax badan u soo qabtay, halka Yaasiin Fareey duqsi lagu aamini-karin oo haddana isagoo la tuhunsane laga dhigay xildhibaan so ma ahan af kala qaad .. waxaan ma ah boob doorasho oo keli ee waa sharaf dhac qaran iyo in la is quusiyo, dadkana loo horseedo fitno balaayo aan dhaweyn oo beerka la soo gashaday .. Ruuxi aan maanta weli ogaani hadaanta u dalka ku socdo waa mid aan xoolaha dhaamin oo loo ilaasho qaabkii xoolaha loo raaci jiray .. Somali ha ahaado maamul goboleed ama fedaraal waa nasiibkeed iney isu kaa daba-fariistaan oo Alle madax nooga dhigay shakhsiyaad waxay la ciyaan ama la aamusan ay tahay Bacaac

Dhinac kale, Siyaasiyinta iyo waxgaradka somali ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin wax la yiraahdo doorasho, iyagoona shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u diyaar garoobaan sidii ay iskaga dhici lahaayeen dulmiga iyo heeryada duliga.

Waxaa la xusuusinayaa kuwa foolxumada iyo fadeexada intaa la eg ku kacaya ama ka marqaati kacaya, iyagoo wax aan jirin ugu abaal gudaya in ay dadnimadooda, damiirkooda iyo qarankaba dhaawaceen.

Waa la hubaal in aysan meelmari-doonin doorashadaan boobka ah isla markaana qaskaan uusan waari doonin .. meeshaan Doorasho kama jirtee, shacabka Soomaaliyeed waa in ay u diyaar garoobaan sidii ay dulmiga iyo heeryada dulliga u diidi lahaayeen.