Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Dawacada Libaaxa Dishay iishiisa Bay Ka Aragtay .. Abaabul Ka Bilawday Mogdisho Ee Dib U Soo Celinta Cidanki Bad Baado Qaran

Sunday - November 28, 2021




Xog laga helay mogdisho ayaa sheegaya in abaabul uu ka bilowday Muqdisho oo ah in dib loo soo celiyo ciidankii mucaaradka ahaa ee la baxay bad baado qaran ee diidanaa muddo kororsiga Hay’adaha Dawlada.

Inkastoo La sheegaayo in la kala dilay xubnihii ugu muhiimsanaa kacdoonkii bishii April ee Sanadkaan ayaa hadana General C/raxmaan Comda (Tuur yare) uu markaan hogaamin-doono bad baado qaran qaybteeda labaad no 2 .

Kulan ka dhacay Muqdisho shalay ayuu Agaasimihii hore ee NISA C/raxmaan Tuur yare iyo Prof. Jawaari ay kawada hadleen xaalada doorashada iyadoo labaduba loo diiday inay tartan u galaan kursi ay doonayeen.

ILo ka ag dhaw Tuur yare ayaa sheegay in ay socdaan abaabulka sidii looga hor imaan lahaa damaca kuwa dalka doonaya inay bur buriyaan oo ay ula jeedeen Villa Soomaaliya hogaankeeda.

Kacdoonkii muddo kordhinta Dawlada lagu diidanaa 7 bil ka hor ka dhacay Muqdisho ee qeybo ka mid ah ciidamada ay dhufeysyada ka qoteen siigaale,barmuudo ilaa Aagga Lambar Afar ilaa Miniraayo ayaa waxa hogaan u ahaa C/llaahi Maxamed Nuur oo hadda ah Wasiirka Amniga Soomaaliya,General Indha Cade hadda waxa uu taageersan yahay falsafada Dawlada,General Saadaq Joon Hadda Xildhibaan golaha shacabka ayuu doonayaa, .. Mahad salaad hadda waxa uu yahay mid wakhtigiisa ugu badan ku bixinaya difaacista kursigiisa isagoo waayahaan noqday mid Dawlada ka difaaca kuwa eedeynta usoo jeediya.

Waxa is weydiinta ah Saraakiisha Ciidanka Meliteriga awood ma u yeelan karaan in mar kale ciidankii Sh/Dhexe kasoo galay Xamar ee la magac baxay Bad baado Qaran ay dib usoo laaban karaan.

Doorashada Golaha Shacabka oo inta badan lagu soo saaray xubno ay wadato Nabad iyo Nolol ayaa qeylo dhaan xoog leh laga muujiyey .. Ergadii qaar ayaa laga hor istaagay inay codeeyaan sida ay ku andacoodeen,Murashaxiin tartami lahaa waa laga diiday iyadoo Beesha Caalamka ay isha ku heyso marxaladahaasi oo dhan lagana sugayo inay war soo saaraan.