Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Shacabka Ha Iska Haw-hawleeyo .. Qadar Waxay Soo Gurguurataba Alamtra Soo Dhaaftay Oo Si Aan Gabasho Lahayen Dab Wax Guba Iyo Dollar Harqineysa Si Lo Muquniyo Hanashada Kursiga Madaxtinimada Ee Kheyre

Wednesday - December 1, 2021



Inta Hadal Duulo Haad Ma Duulo .. Warar si hoos hoosey ah oo wiigaan si xooli ah bulshada u dhex duln-dulceynaya, balse warkaas dhagta loo raac-racinaayo ayaa lagu soo waramayo in dawlada Qadar ay markaan u gal-galaneyso iney dhabarka soo saarato musharax u dhaga nugul oo xagooda ka socda .. Shakhsigaas ay Qadariintu karkarinayaan waxaa la hubiyey inu yahay Xasan Cali Kheyre .. warkaan oo aan la garaneyn beenti iyo khiyaalgi la isku maawelin jiray inu yhay iyo in kale aan la aqoon, balse qaar ka mida oo looga bartay in wararka ay soo xigtaan inta badan marka dambe run noqday ayaa ku adkeysanaaya in xogtaas ay ilo muhim ah ka soo xigeteen oo boqlkiiba 80% ay noqon-karaan loo qaateen.

Hadal intuu Uur-kaaga ku jiro buu amaano yahay, laakiin haddi u soo dhaafo dibnahaaga waxaad ogaata in aanu lahayen dabo la qabto .. Sidaa daraadeed Warka ayaa lagu sheegaya in xogtaan markeedi hore laga soo xigtay dipolmaasi Talyani ah oo ay isla sheekeysteen shakhasi somali oo qaxwo ay meel gaara ku wada cabeen, isago diplomaasigaas halkaa ku soo hadal qaaday inu dhawaanta kulan la yeeshay safiirka Qadar ee fadhigiisu yahay magalada Nairobi .. Safiirka ayaa kulankaas si bareera diirka uga qaaday in qoob ka ciyaaraka marxaladaan ee siyaasada dawlada Qadar ay markaan kor iyo hoos ku talo jirto in isbadal ka dhaco Villa Somaliya oo meesha u ka baxo taliska Maxmed Farmaajo ee muranka badan ka taagan yahay ee ay hawiyuhu baacsanayaan, isla markaana ah Sac guray oo aan salaax ku godlaneyn, hasa ahaate dipolomaasiga Talyaniga oo weydiiyey cida ku haboon ee loo qaadan-karo Madaxa Villa Somaliya, waxaa safiirku ku jawaabay oo yiri illa hadda ninka aan u aragno in dib loo rari-karo ka aan shimbir daama jirin ee ku haboon xilkaas waa Raiisal wasaarihi hore Xasan Cali Kheyre oo ka mida beelaha ka soo jeeda degaanka caasimada Mogdisha, wuxuu kalo safiirka waa kan Qadare u carabka ku dhuftay oo yiri" go'aanka waa mid la wada ruugay oo inta badan dawladaha Reer galbeedka ay isku raaceen oo xita Mareykanka wax ilaaqa kama bixin taladaas la isla qaatay. 

Cala Ay Xaal .. Hogaamiye waa masuul ummadeed oo xil lagu aaminay, loona doortay inuu hogaamiyo ummad ama ha yaraato ama ha badnaatee. Hogaamin-tuna waa haybad uu ilaahay qofka ku manaystay, ee maaha wax la iska yeel-yeeli karo, la isma amaahin karo, mana aha wax la iska sheegan karo. Waxad arkaysaa boqolaal jaamacad ka baxay oo aan hogaamin lahayn iyo shakhsi aan jaamacad dhigan balse ilaahay haybad u siiyey hogaaminta. Kuma xirna da'dda ama cimriga iyo waxa aad baratay, waxa jira qof da'diisu tahay labaatan sano, oo Hadana hogaamin-tiisu boqol goor ka fiicantay mid konton sano jiray ama ka badan-ba. mid kaloo ku andacoodda wax bana bartay laakiin wax uu yahay aanay jirin-ba