Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Dhaqanka Duli-nimada Ee Dadka Qaarkiis Ugu Sacab-tumaya Madaxda .. Calaamadaha Raga Guulwadeynta-Opportuniste Lagu Garto

Saturday - December 4, 2021



Waxaa jira Dad ama shakhsiyaad had iyo jeer noloshooda ku xira madaxda oo aan kala jecleyn xita haddu Kacbada sidii Asxaabul-fiil u dumiyo, balse isaga garaamihiisa u daran oo khasab ayuu ugu mehersan-yahay .. kuwa Guulwadeya badanaa marka qanjir loo tuuro ayuu madaxdaas daba raqleeya amase u mashxaradaa, badana gulwaduhu lama kala garto wuxuu doonaayo iyo wuxuu diidaayo midna, balse madaxdas wuxuu markasta ku difaaca wax aan sal iyo raad lahayen .. Sakhsiyaadka guulwadeya waxay moodaan iney xikmada ka dhargeen, oo markasta xaqiiqada wey ka dhuuntaan

 Guulwadeyntu amase Af-ku-dufan-la-yaasha gacanta loo soo qooyo, waxa u leeyahay calaamado dhawr ah, balse waxa aynu dul-istaagi doonaa kuwa ugu waaweyn:

• Wuxuu amaan aanu mutaysan kula dul-dhacaa cida xilka maeaxtinimada haysa shakhsiyadiisa, qoyskiisa iyo kuwa ka ag-dhaw .. Dhaqankaasi dullinnimada ahi waa sida keliya ee uu wax kaga heli karo kuwa xilka haya amase madaxda dalka

• Waa kaba-qaad aan aragti fog lahayn, oo mark kasta u sujuuda qof isaga la siman, balse xil ummadeed haya, waxuu wax ku cabbira hadba xaaladuu ku jiro. Inta badan wuxuu caan ku yahay inuu meelaha fagaarayaasha ah madaxda hor-boodo una raqleeyo.

• Waa shakhsiyad liidata, oo aan marna ogolayn in la falanqeeyo guulaha iyo guuldarada la soo darista cida uu guulwadaha u yahay, indho la’aana ku taageera.

• Waa biiri-qaate sida macaan jecesha ugu nool shilimada ay siiyaan kuwa xilka hayaa, ee uu ku guulwadeeyo

• Waa shakhsi bilaa kalsooni ah, oo aan aaminsanyn inuu wixii Alle u qoray aanu sinaba ku dhaafayn, balse aaminsan inuu ku nool yahay is-hoos dhigida iyo liidashannimo.

• Waa shakhsi diintu ku yartahay, Ilaahay ka fogaaday, kuna qanacsan dhaqanka dullinnimada ah ee uu isku hoos dhigida Bila’aadan isaga la siman .. inta badana aakhirka waxaa ka halaabka basarka, weyna ku bukoodaan wanaaga .. sido kale wuxuu dadka la doonta burush ceeba , run aan u bareerin.