Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Waa Xikmadi Iyo Oraahdi Aqoon-yahan Faylasuf Ibnu Khaldoon .. Ma Daama Oo Ay Naxariistu Ay Tahay Daacadnimo Ogoow Qalbi Walba Lagama Helo

Monday - December 13, 2021





Xikmado Nolosha Ku Saabsan Oo Laga Dhaxlay Faylasuufyadii Dunida Soo Maray .. Qormadan waxaan akhristayaasha kula wadaagaynaa hal-ku-dhegyo iyo xikmado kala duwan oo laga dhaxlay Faylasuufyadii dunida soo maray waqtiyada kala duwan, kuwaas oo aynu si gaar ah u soo qaadanayno inta laga yaabo in ay si uun u khusayn karto qaybaha kala duwan ee nolosheenna maanta ee Ka faaidaysi wacan:

1: "In uu qofku dareemo aqoon-yaraantiisa, waa waax ka mid ah aqoonta."

2: "Haddii aad doonayso in aad ogaato shakhsiyadda qofka, eeg cidda uu la saaxiibka yahay, dabciyadu way is xadaane."

3: "Ma daama oo ay naxariistu ay tahay daacadnimo, qalbi walba lagama helo."

4: "Dulmigu wax kasta oo dhisan isaga ayaa dumiya, deegaanka aad ku aragtona waxaaga ka ururso."

5: Astaamaha lagu garto dhicitaanka dowladuhu, waa madaxda oo ka shaqaysata ganacsiga iyo iibka, kuna mashquula xoolo-urursi."

6: "Aadamuhu ma jiri karo iskaashi la'aan."

7: "Taariikhdu marka dusha laga eegayo waa war uun, balse waxa ku hoos qarsoon xaqiiqooyin iyo cibro qaadasho."

8: "Ummaddaha la maquuniyo, akhlaaqdooda ayaa lunta."

9: "Marka ay ummad dawladoodu dunto, aqoon-yahanada iyo afmiishaaradu way bataan; indheergarad-nimada iyo fikir qumanaantuna way dumaan."

10: "Waa hubaal qofka falsafadda in yar ka akhriyaa, in uu u cararayo dhanka ilxaadka; qofka in badan ka akhriyaana dhanka iimaanka."

11: "Akhlaaqda heerkeeda ugu sarreysaa waa in aad dhagaysato, qof kuu sharaxaya wax aad si fiican u garanayso, balse isagu moogan yahay."

12: "Ka laga adkaadaa, waligiiba waxa uu jeclaystaa hab-dhaqanka ka adkaaday."

13: "Xamaasaddu waa abuur ku beernayd aadamaha jiritaan-koodba."

14: "Raacidda indhaha la’ ee la raaco caadooyinkii hore, kama dhigna in dadkii hore dhintay ay soo noolaadeen, ee waxa ay ka dhigan tahay in kuwa nooli dhinteen."

 Sheeg Xikmaddee adiga gaar kuu soo jiidatay?