Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Cagta Joogsan-Weyda Ceeb Bay La Kulanta .. Nin Guursaday Haweyney Aabihi Si Qarsoodiya U Qabi-jiray

Sunday - December 19, 2021




Sacuudiga- Nin u dhashay dalka Sucuudiga ayaa lagu soo warramayaa in uu furay xaaskiisa ka dib markii uu ogaaday in aabihii uu si qarsoodi ah uu guursaday gabadhaas 10 sano ka hor .. Waxay wiilka xaaskan ay wada joogeen Lix sano waxayna u dhashay Canug.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Sucuudiga, Cabdullaahi Al Mutlaq oo ah la taliyaha maxkamadda boqortooyada kana mid ah golaha culimada sare ayaa soo saaray fatwo ku saabsan dhacdadan ay dadka hadal hayeen oo ku aadan nin guursaday xaas ay hore u wada joogeen aabihii isagoo aan ogeyn.

Sheekha wuxuu go’aamiyay in ninka uu durbadiiba furo xaaska isla markaana canuga ku dhashay guurkaas uu yahay xalaal maadama uusan ogeyn.

Waxay fadeexaddan soo ifbaxday markii wiilka uu meher xaday gabadha isaga aysan qoyskiisa ogeyn, lix sano kadib ayuu go’aansaday in qoyskiisa soo baro gabadha.

Markii uu geeyay guriga qoyskiisa waxaa isku naxay aabihii oo sheegay in gabadhan ay 10 sano ka hor xaaskiisa aheyd xilli uu meher xaday.