Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Shilinki Karaamada .. Min Hal Dolar Shacab Iska Aruuriyey Oo Lagu Badbaadiyey Qaranimadi Iyo Karaamadi Dalka .......

Saturday - January 15, 2022



Dalka Suudaan oo xaalad dhaqaale xumo ku jirta ayaa lacag dayn ah ka qaadatay Liibiya, bilo kadib ayaa Mucamar Qadaafi dalka Suudaan ka dalbaday in diyaaradahiisa dagaalku dul maraan, si ay ugu gurmadaan Uganda oo ay xuduud isku hayeen Tanzaniya, balse Jacfar Al Namayri oo ahaa Madaxwaynahii Suudaan ee xiligaas ayaa arrintaas ku gacan sayray isaga oo ku sababeeyay in siyaasadda dalkiisu ayna ahayn fara-galinta dariska.

Korneyl Qadaafi oo aad uga carooday go’aankaas, balse qaadan waayey ayaa si  caga jugleyn ah Suudaan ka dalbaday inay dhaqso ku soo celiso dayntii ay ku lahaayeen ..  Madaxweynihi Jacfar Numayri oo talo markaas ku cadaatay wuxuu tagay TV-ga oo shacabkiisa uga warramay xaalada jirta, hadalo qiiro leh ka dib waxuu ka codsaday shacbigiisa in qof walbaa Hal Shilin ku yabooho, si dalka karaamadiisa loo ilaaliyo, maalmo gudahood ayaana lacagtii gudo iyo dibad lagu uruuriyay, Lacagtiina Liibiya loogu celiyay.

Qaarankaas lacag bixinta waxaa hal-hays looga dhigay: Shilinkii karaamada (قرش الكرامة) .. akhristow Numayri wuu heli karaayey inuu canshuurta iyo sicirka kordhiyo, wuxuusa ka door biday inuu si daacad ah shacabkiisa ula wadaago xaaladda dhabta ah ee dalku dhaqaale ahaan marayo, waana laga ajiibay

Akhristow, waddanka Somaaliya waa dal hodon ah, dadkiisana waa dad gobanimada iyo qaranimada jecel kuna fiican wada jirka iyo wax wada qabsi, gaar ahaan waxay si gaar u jeclyihiin hawlaha iskaa wax u qabsada ee dalka lagu hormarinaayo, Laakiin Sodonki sano waxaa na soo mnaray hogaamiyaal xilki loo igmaday ka doortay maalmo dhadhamo Musuq-maasuq ah .. Hogaamintu waa haybad uu ilaahay qofka ku maneysto ee ma aha wax la iska yeel-yeeli karo, hogaaminta la isma amaahin-karo mana aha wax la iska sheegan-karo .. waxaad arkeysa mid boqol jaamacadeed ka baxay oo aan hogaamin lahayen iyo shakhsi aan jaamacad dhigan, balse ilaahay haybad u siiyey hogaaminta, sido kale kuma xirna Da'da ama cimriga iyo waxa aad baratay.

Akhristow, Umad Nool ma nihin oo gacan hoorsi ayaa xaalkeeni noqday, oo haraadka aan qabno waa hari la'yahay, sababtuna waxaa maanta meel kasta na hor-boodaya kuwa sikasta oo loo habeeyo mansab kasta oo loo dhiibo, xilkasta oo loo doorto, magac kasta oo loogu yeero, xafiis kasta oo loo macmalo, kursi kasta oo lagu fariisiyo, Nin Seexday oo toosay waa kiisi uun ee wax iskama badalaan