Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Meel Inoo Fiyow Ma Jirto .. Qawleysatadi Burcada Al-Shabaab Oo Dagaal Bareer Ah Ku Qaaday Xalane Yaase Siriqdaan U Fududeeyey

Wednesday - March 23, 2022





ILo sirdoon oo la helay ayaa la soo sheegayaa in maalmihii dambe la ogaaday soo in weerar lala damacsanyahay goobo ay ka mid tahay garoonka diyaaradaha iyo gaar ahaan gudaha Xalane,taas oo la isweydiinayo sidee looga hortegi waayey?

Waxaa la leeyahay Saraakiil ka tirsan dawlada soomaaliya ayaa fududeeyey weerarka,islamarkaana la sheegay in la geeyey koontaroolka ciidamada amaanka ku sugaan irida Marina Gate ee garoonka diyaaradaha Muqdisho laga soo galo dhinaca iskool boliisiyo ku yaalla.

Muddo ku dhaw labo saacadood ayey Al Shabaab ragga ka tirsan dagaalamayeen,iyagoo dilay askar AMISOM, kuwa Dawlada ka tirsan iyo Saraakiil uu ku jiro C/raxmaan Aar fara nuug oo ah taliye kuxigeenka amniga Madaarka Muqdisho.

Hase ahaatee Ciidamada booliska sida gaarka ah u tababaran Haramacad ayaa duhurnimadii maanta ku guuleystay inay soo afjaraan ragii ka tirsanaa ururka Al Shabaab ee weeraray xerada xalane.

Sawirro la soo qaaday waxaa la arkayey ciidanka haramacad oo qaab feejignaan ah u dagaalamayey iyagoo ku sugnaa aagga Teendhada Afisiyooni waxaana lagu amaanay inay toogtaan raggii hujuumka soo qaaday.

Dhanka kale xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah golaha shacabka Soomaaliya ayaa si kulul u dhaleeceeyey hanaanka farmaajo ee dalka ku xukumayey iyo habacsanaanta amni.

Waxa uu mahad salaad sheegay in wax laga xumaado tahay in shan sano kadib Al Shabaab loo fududeeyey inay ka dhex dagaalamaan Teendhada afisiyooni oo farmaajo lagu soo doortay.

Sido kale, Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa dhankiisa waxa uu cambaareeyey weerarka lagu qaaday xerada xalane,oo ah qeybta garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Hogaamiyaha xisbga wadajir C/raxmaan C/shakuur ayaa deg deg u dalbaday in la badelo taliyeyaasha ciidamada amniga si looga hortego weeraro kale oo dhaca Al-shabaab soo qaadi karaan.