Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Boqoroow Allahayoow Inaad Diinta Iyo Siirada Nabiga ii Badiso Baan Kaa Baryayaaye .. Saxaabigi U Markhaati Furay Nabi Maxamed CS Kala Jiidashadi Gadashada Faraska

Sunday - March 27, 2022



Nabiga scw oo maalin madiina dhex maraaya ayaa waxaa uu arkey nin reer baadiya ah oo faras qurux badan iibinaaya, Markuus ayuu nabiga scw ku yiri ninkii acraabiga ahaa Faraska ma gadeysaa? ninkii reer baadiyaha ahaa ayaa Haa ugu jawaabey.

Nabiga scw waxaa uu yiri waan kaa iibsadey laakiin lacagta halkaan kuma hayo ee guriga ayey ii taalaa ee guriga ma ii raaceysaa si aan lacagta kuu soo siiyo Ninkii reer baadiyaha ahaa Haa ayuu ku jawaabey sidii ayuuna ku raacey hasa ahaate markey cabaar socdeen ayuu nabiga scw ka yara dheereeyey ninkii reer baadiyaha ahaa.

Mise kuwo jidka fadhiyey ayaa ninkii reer baadiyaha ahaa ku yiri Faraska miyaad iibineysaa Haa ayuu ninkii reer baadiyaha ahaa ugu jawaabey ileen damac ayaa galey oo waxaa loo sheegay lacagtii uu nabiga scw kula heshiiyey mid ka badan.

Ninkii reer baadiyaha ahaa nabiga scw ayuu u wacay markaas ayuu ku yiri faraska iga iibso ama aan dadkaan ka iibsado .. Nabiga scw waxaa uu yiri sootaan kaa iibsadey oo aan ku heshiiney in aan lacagta guriga kaa soo siiyo.

Ninkii reer baadiyaha ahaa ayaa inkiray igama aadan iibsan ayuu ku adkeystey dadkii ayaa isku soo baxey ayaga oo la yaaban ninkaan reer baadiyaha ah maxaa yeeley nabiga scw waligiis been ma sheegin xitaa xiligii jaahiliga.

Ninkii reer baadiyaha ahaa waxaa uu yiri igama aadan gadan nabiga scw waxaa uu yiri waan gatey .. ninkii reer baadiyaha ahaa waxaa uu yiri marqaati la imoow.

Nin la oran jiray Khuzeyma ibnu thaabit rc ayaa meel dheer ka soo arkey markaas ayuu yimid wuxuuna yiri aniga ayaa marqaati ah

Nabiga scw waxaa uu milicsadey khuzeymah wuxuuna yiri nabiga scw yaa khuzeymah ma aadan joogay halka ninkaan wax ku kala gadaney sideed ku marqaati fureysaa ..  Khuzeymah rc waxaa uu yiri yaa Rasuulallaah khabarkii samada ayaan kaa rumeyney ma waxaana kaa rumeyneyn waayey khabarka ah in aad ninkaan ka iibsatay faraska