Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Saacadaha Soonka Aduunka .. Dalalka Saacadaha Ugu Badan Soomaya Iyo Kuwa Saacadaha Ugu Yar Soomaya

Monday - April 4, 2022




Marka aynu eegno dhinaca wakhtiga, dalalka saacadaha ugu badan soomaya iyo kuwa sacaadaha ugu yar soomaya. Waxa ku soo baxayaa faraq aad u weyn. Dal kasta waxa laga soo qaatay caasimadiisa inta saacadood ee laga soomayo.

Dhinac saacadaha la Soomaya kuwa ugu Yar waxa hogaaminaaya dalalka Arjantiin, Chile, New Zealand, Ustareeliya iyo Koonfur Afrika, waxaana dhammaantood laga soomayaa 11 Saacadood iyo Bar. Halka ay kaalinta labaad ee wakhti-yaraanta ay soo geliyaan dalalka, Simbaabwi iyo Baraasiil oo laga Soomaya 12 saacadood.

Dalalka Sucuudiga, Qadar, Imaraadka, Cumaan, Kuweyd, Falastiin, Bangaaladheesh, Hindiya iyo Baagistaan waxa laga Soomayaa inta u dhaxaysa 14 saacadood iyo dheeraad.

Halka dalalka saacadaha ugu badan laga soomayo ay kala yihiin:  Norway, Greenland, Finland iyo Sweden oo laga soomaya 20 saacadood. Denmarka iyo Poland ayaa laga soomaaya 18 saacadood iyo dheeraad. Waddamada reer Yurub ilaa Ruushka ayaa laga soomayaa inta u dhaxaysa 15 saacadood ilaa 18 saacadood.