Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Waa "Qaybti Sideedaad" Ee Ku Taxnow Akhbaartaan Facda Weyn Ee Laga Soo Wariyey Nabi Maxamed CSW .. 15 Ciqaabood Oo Sugeya Qofka Salaada Ka Taga

Wednesday - April 13, 2022




Nabi MUXAMED (SCW) Waxa Uu Yiri: Qofka ka tagaa salaada wuxuu leeyahay 15 Ciqaabood, waxeyna kala yihiin sida hoos ku xusan:
|
- Lix Ciqaabood Nolosha Ayuu Ku Muteystaa ..  Sadex Marka Uu Dhinto .. Sadex Marka Qabriga La Galiyo .. Sadexna Maalinta Qiyaamaha.

                                 Lixda Nolosha

1- Cimrigiisa ma barakeysmo noloshiisa waa mid nasiib xun.

2 - Ducadiisa aqbal ma,aha oo carshiga alle ma gaarto.

3- Wajigiisa waa laga tirtiraa astaanta dadka fiican,murug iyo shido ayuuna daris la,yahay inta uu noolyahay.

4- Waxaa lagu ciqaabayaa wax-kasta oo illaah abuurey.

5.- Ajar fiican uu sameeyo ma lahan.

6- Ma lagu daro ducada dadka fiican.

                    Sadexda Ciqaabood Marka Uu Dhinto

1- Wuxuu dhintaa asaga oo ceeboobay kana shalaaynaya maalmahii xumaanta kaga tagay aduunka.

2- Wuxuu dhintaa asaga oo baaheysan.

3- Wuxuu dhintaa isagoo oon-hayo, haddii uu biyaha badaha oo dhan cabo oon ka bi'i maayo.

                   Sadexda Ciqaabood Ee Qabriga

1- Allaah wuxuu isku ciriiriyaa feerihiisa illaa ay midba mid ka kormarto.
 
2- Waxaa lagu shidayaa korkiisa dab aan wax lagu mathaala laheyn.

3 Waxaa uu Allaah u soo diraa Mas qaniinaya oo la yiraahdo "Geesi" kaas oo qaniina subaxii ilaa duhurka katagida salaad subax owgeed, duhurkii illaa casar ka tagida salaada duhur owgeed sidaas oo
kale ayey salaad walba socon.markii uu halmar qaniino wuxuu qofka dhulka hoos u galayaa 70 KM.(subxanallah)'

                        Sadexda Maalinta Qiyaamaha

1- Allaah wuxuu usoo diraa qof raaca oo cadaabta ugu jiida wajigiisa.

2- Allaah wuxuu ku firdhiyaa caro oo wajigiisa hilibka ayaa ka dhaca carada rabigiisa darteed.

3- Allaah wuxuu ku xukumaa xukun adag oo waxaa lagu tuuraa cadaabta.

                     Kuwa Aan Salaada Tukan

-- Subax: Nuurka wajigooda waa laga qaadaa.
-- Duhur: Ajarka fiican ee lacagtooda waa laga qaadaa.
-- Casar: xooga jirkooda waa laga qaadaa.
-- Maqrib: Ciyaalkooda ma,aflaxaan.
--Cisha: Nabada jiifkooda waa laga qaada