Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Waa "Qaybti Sagaalaad" Ku Taxanaha Akhbaarti Faca Weyneyd Ee Zamanki Hore .. Muxuu Ahaa Udgoonka Ka Soo Baxay Qabriga Haweyntaasi

Saturday - April 16, 2022



Waxaa Geeriyootay Haweenay Wanaag badan oo Cibaada Alle ku Dadaasha, Markii ay Dhimatay oo la Aasay ka dib Cid kasta oo Qabrigeeda soo Agmarta waxa ay Dareemi jirtay Udug aad u Udgoon, Dadkii ayaa la Yaabay Udgoonka ka soo baxaaya Qabriga Haweentaasi. 

Markii Sheekadii Magaaladii iyo Wadankiiba wada Gaartay ayaa waxaa loo yimid Ninkii Haweenayda
Qabay, Kadib waxaa la Weydiiyey. Maxay Sameen jirtay Xaaskaaga?. Ninkii waxa uu ku Jawaabay waxa ay Akhrisan jirtay Surat Al Mulk (Tabaarak) Habeen kasta ka hor inta aysan Seexan. 

Xadiith laga wariyey Rasuulka CSW, wuxuu Sheegayaa Qur'anka waxaa kamid ah Suurat Ciddii Akhrisata ay ka Badbaadi Doonto Cadaabta Qabriga .. marka Walaal Mar kasta Ku Dadaal inaad
habeenkasta inta aadan Seexan Akhrisatid Surat Al Mulk.

Allow Waxaan Ku Weydiisaneynaa Janada Oo Waxaan Ka Magan Galnay Naar .. Rabiyow Hanugu Dumin Cirka Duudka weyn .. Rabiyow Hanugu Diidin Bahalada Dareeraya .. Rbiyow Ha agu Dirin Dabeylaha Cartamaya