Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Waa "Qaybti Tobnaad" WaaTaxanihi Taariikhdi Facda Weyneyed Ee Akhbaarti Zamanki hore .. Geeridi Ku Timi Nabi Aadam Iyo Xaawo Sidey Uga ILmeysay

Sunday - April 17, 2022



Markii ay geeridu u timid Aadam CS,wauxuu ilmihiisi ku yiri; Maandhooyinow! waxan doonaya inaad ii doontaan mirhi janada, markaasa dhamaantood galeen raadin. waxaa kula kulmay wadada Malaai'g xambaarsan Xunuudkii(udgoonkii) iyo kafanti Aadam iyo wax-yaalaha lagu qodo dhulka, waxay weydiiyeen ilama Aadan! xagee baad u socotaan! waxay yiraahdeen; Aabahayga baa xanuunsan oo doonaya Mirihi Janada, waxay yiraahdeen; hadaba dib u laabta Aabahiin waa naf baxaye.

Malaaikti waxay uu yimadeen Aadm markina ay Xaawo aragtay wey aqoonsatay oo ku dhagtay Aadam .. Aadam wuxuu yiri: idaa Xaawoy, waxaan dhashay adiga hortaa ee isu kaaya daa aniga iyo Malaaikta Rabbigay, waxay ka soo saareen Nafta, oo meyreen jirkiisa oo kafneen oo u mariyeen udgoon. dabeeto waxay u qodeen qabri oo ku tukadeen .. Marku Aadam dhintay, waxay dhamaan uumanka u ooyeen Todobo Maalmood.

Aadam CS marki geerida u timi, waxuu wiilkiisa Shiis kula dardaarmay camalada cibaadada ah ee lala yimaado, wuxuu sido kale u sheegay Dadka iimaan-doona isaga dabadi .. waxaa la sheegaa in Aadanaha oo idil ku abtirsadaan Shiis, halka Aadam ilmihiisi kale wada dhinteen oo kama ay tagin wax waraso ah .. Shiis micneheedu waxaa weeye "Hibad Alle". waxay ugu bixiyeen magacaas waayo waxaa la siiyey wiilkaa Aadam iyo Xaawo kadib marku dhintay Haabiil .. Qaabiil baa ku dhuftay Haabiil dhagax weyn madaxiisa isagoo hurda, waxaa kalo la sheega inu ceejiyey illa u ka dhintay, isla markaana qaniinay sida bahal dugaag ah

Xagee lagu duugay; waxaa jira khilaaf xaga culimada ee la xariira su'aashaas .. waxaa caan ah in lagu aasay meel u dhaw buurtii uu ku soo dagay oo ku taal Hindiya, balse kuwa kale ayaa yiri; waxaa lagu aasay buurta Abuu Qabiis ee ku taal Makkah, waxaa kalo la sheega in waqtigi Daadkii weynaa Nuux ku qaaday isaga iyo Xaawo kafan, oo ku aasay Beytal Maqdis oo ku yaal Qudus.