Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Waa "Qaybti 11-Aad" Ee Ku Taxnow Taariikhdi Faca Weyneyd Iyo Silsiladi Akhbaarti Zamanki Hore Ee Ambiyada Naloo Soo Diray .. Nabi Saalax Iyo Mucjisadi U La Yimi .. Muxuu Ahaa Ninki Dilay Hasha

Monday - April 18, 2022




Nabi Saalax wuxuu ka dhashay qabiilo caan ah la oran jiray Thamuud,waxay ahaayeen Carab daganeyd inta u dhaxeysa Xijaaz iyo Tabuuk, waxay noolaayeen Qoonkii la halaagay Reer Caad ka dib oo caabudeen Sanammo sidii Reer Caad .. Alle wuxuu u diray nin ka mid ah iyaga, wuxuu ahaa Saalax bin Cubeyd, wuxuuna ugu yeeray iney caabudaan Allaha kaliya oo ay ka joogaan sanammyada baadilka ah, waxayse jawaabtooda ahayd " waxay Yiraahdeen: waxaad tahay oo kaliya mid ka mida ah kuwa sixran, wax aad fameyso lama arko .. Qoonkiisa Qaar ka mida ayaa rumeeyey halka intoodi badneyd ay diideen oo ku gaaloobeen, waxay isku dayeen iney magac dilaan oo cebeeyaan amasa dilaan.

Reer Thamuud dabeeto waxay ka dalbeen nabigoodi inuu u keeno cadeyn ama mucjiso ayideysa waxa u sheegaayo, waxayna ku yiraahdeen: haddi aad ka soo saari-lahayd Buurtaan dhagaxa ah Hal leh tilmaamahaan oo u sheegeen tilmaamaha laga doonaayo iney ahaato toban mitir dheer ahaan .. Nabi Saalix CS wuxuu ku yiri: bal ka warama haddi aan ajiibo dalabkiina, ma rumeysaneysaan oo ma aamineysaan inaan ahay Rasuul Alle? waxay yiraahdeen: Haa, dabeeto wuu kacay oo Alle baryay, oo ka tuugay inuu ajiibo dalabkooda, Alla wuxuu amray dalab-koodaa inuu soo saaro Hal leh tilmaamihi ay sheegeen.

Markii ay ku arkeen mucjisadaan indhahooda oo waxay ay dalbeen ah, waxay u arkeen wax weyn oo dhacay iyo calaamo tusineysa awooda aan xadka lahayn ee Alle. .. In badan oo ka mid ah baa rumeeyey islaamka, laakiin badankood waxay ku adkeysteen gaalnimadooda, habowga iyo heehaabkooda.

Markii la soo baxshay Hashi, waxay ahayd iney joogto oo ku dhex noolaato, oo daaqdo halki ay doonto iney daaqdo iyo iney biyo ka cabto halkii ay dooneyso. marki ay timid ceelka, waxay cabtay biyhi maalintaa, marka waxay ahayd iney ka qaataan baahidooda biyaha maalintaas xigta. waxaa la sheegay iney lahayd caano deeqda oo ay ka dhergaan Reer Thamuud oo idil balse ka badan .. Allaha wuxuu yiri: " Hashaani wa hal, wxay u leedahay xaq  iney cabto biyo, idinkuna waxaad u leedihiin xaq inaad cabataan biyo midkiin walba maalin la yaqaan" 

Iska hormaad dheer kadib waxaa kulmay Duqeydi Reer Thamud oo isku raacay dhamaantood in Hashu qabto oon aan dhamaaneyn, marka waa iney dilaan, si ay ugu ciriirin biyaha oo ula Qaybsan. Markaas bay fayla-gooyeen Hashi oo si xun uga hor yimaadeen amarkii Rabi, oo yiraahdeen: Saalaxow noo keen goodintaadi haddi aad tahay mid ah Rususha Alle.

Ninkii Qaaday xilka dilida Hasha oo ahaa nin xoog badan ugu sharka badnaa, waxaa la oran jiray "Qidaar"  wuxuu la soo baxay warankisi oo dilay markaas bay ku dhacday dhulka. dabeeto dhamaantood baa u soo kala yaacay oo u googooyeen Qybo Qaybo iyo waslad waslasdo, iyadoo uu Qurbaceeda arkaayo waxaas oo dhammi, waa u ka cararay halkaas oo fuulay buurta dhaladeeda oo ciyey sadex jeer .. Qidaar wuxuu ahaa garac aan ku dhalan guur xalaal ah. markii u gabalku dhacay oo habeenkii madoobaaday, waxay xitaa isku dayeen oo qorsheyeen iney dilaan nabi Saalax oo ku tuuraan halkii lagu dilay hasha.

Allaah wuxuuu yiri " marka waxay Qooleen dhagar, anaguna waxaan Qorsheynay Tab iyagoo aan dareynsaneyn ee bal  fiiri sida ay ahayd ciribti dhagartooda . waana baabbinay iyaga iyo Qoonkoodi oo dhanba"

Allaha wuxuu u diray Qoonkaa qorsheeyey iney dilaan Saalax dhagax burburiyey oo baabiiyey inta aan qoonkoodi oo idil lagu baabiin ciqaab Alle . Subax khamiisaad oo ahayd maalintii ugu horeysey Sadexdi maalmood ee loo qabtay . wajigoodo waxay noqdeen Cadaan, sida uu ugu dhigay Saalax. galabti waxay yiraahdeen. maalin baa tagtay Sadexdi maalmood  ee la idiin qabtay. Maalinti labaad, jimce wajigooda waxay noqdeen Casaan, maalinti Sadexaad oo ahayd maalin Sabti, wajigooda waxay noqdeen madaw. Subaxdi Axada iyagoo naftooda u digaya oo uu diyaara ciqaabta Alle ay guryahooda fariisteen . kama haysan wax fikrad ah waxa ku dhacaya iyo xaga uu uga imaan-doono.

Markii ay soo baxday Qoraxdi kadib, waxaa ka yimid cirka Qarax weyn iyo dhul gariir arlada hoostooda ah. dhamaantood way dhinteen oo dhaqaaq kasta waa ka istaagay, wax sharqan loogama tagin halkaa, waxay wada noqdeen baqti aan wax nuuxnuuxsi lahayn. waxaa la yiri qofna loogama tagin gabar curyaan ahayd maahee, waxayna ahayd cadowga ugu weyn u lahaa Nabi Saalax, waxay wax ka dayday cagaha oo uu oroday amar alle sida waxa wax ugu dheereya u ordaan. waxay u timd Qabiil Carbeed oo kaga warantay wixii ay aragtay iyo ciqaabkii ku soo degay Qoomkoodi. waxay ka dalabtay biyo ay cabto, markii ay biyihii cabtay bay iyadiina dhimatay . Dabeeto Waxaa la yiri nabi Saalax wuxuu u wareegay Xaramka Makkaah oo ku noolaa halkaa illa dhimashadiisa .