Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Waa "Qaybti 13 Aad" Ee Taxanihi Akhbaarti Facda Weyneyd Ee Zamanki Hore .. Qiisadi Dhex Martay Nabi Maxamed SCW Iyo Nin Yuhuudi Ah

Friday - April 22, 2022




Waxaa jiray nin Yahuudi ah oo deris lahaa nabiga scw. Ninkaan Yahuudiga ahaa wuxuu mar walba ku hamin jiray inuu mar uun gacantiisa ku dilo nabiga scw.. Balse wee u suurta gali weeday oo wuxuu is yiri hadaad Muxamed disho asxaabtiisana wee ku dili

Ninkii Yahuudiga ahaa markii uu ku fishilmay shirqoolkii dilka ayuu wuxuu sameen jiray maalin kasta ayuu albaabka gurigii nabiga scw. Dhigi jiray qashin si uu nabiga scw. Ugu dhibaatoodo markuu guriga ka soo baxaayo..

Nabiga scw. Ayaa ogaaday waxa albaabka gurigiisa qashinka dhigaaya inuu yahay ninka yahuudiga ah ee deriska la ah mar walba uu qashinka arkana nabiga scw.. Wuu dhoola cadeen jiray qashinkana wuu iska qaadi jiray maalin maalmaha ka mid ah ayaa nabiga scw. Wuxuu waayey qashinkii loo soo dhigi jiray, markaasuu nabiga scw.. Wuxuu tagay gurigii ninkii yahuudiga ahaa mise wuxuu la kulmay ninkii oo aad u xanuunsan.

Ninkii Yahuudiga ahaa markuu arkay nabiga scw aad ayuu u yaabay wuxuuna yiri Muxamedow inaan xanuunsanahay yaa kuu sheegay? Nabiga scw. Wuxuu yiri waxaa ii sheegay qashinkii aad soo dhigi jirtay albaabka gurigeega oo aan maanta waayey! Ninkii yahuudiga ahaa wuu ilmeeyey halkaas ayuu ku islaamay sacado kadibna waa uu geeryooday.

Waxaan qisadaan ka fahmi karnaa dulqaadka iyo naxariista nabiga scw. Halkuu gaarsiisnaa in aadanaha loo dulqaato loona naxariisto waa mid diinteena islaamka ahi na fareeso waxaana ka dhasha wanaag badan.